DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Baanka Caalamiga Ah Ee DAHABSHIIL BANK.

(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xadhiga ka jaray baanka caalamiga ah ee DAHABSHIIL Bank. Madaxweynaha Somaliland wuxuu tilmaamay in Sherkada Dahabshiil ay door weyn oo muhiim ah ka soo qaadatay dibudhiska dalka xiliyadii kala duwaana ee waddanku soo maray.

Markii Madaxweynuhu soo gaadhay afafka hore ee dhismaha Baankaas oo ku yaala badhtamaha suuqa, waxaa ku soo dhaweeyay halkaas Guddoomiyaha sherkada Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid. Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyay furitaanka Baankaas iyo hadaladiisi Hoos Ka DAAWO.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.