DAAWO: “Ma Didee Hargoolow Haygu Tumin Durbaannada Iyo Daasadaha Madhan” Guddoomiye Cirro

(SLT-Hargaysa) –  Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo qayb ka aha safarkii saddexda Guddoomiye ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna warbaahinta ugu waramay Madaarka Hargaysa, Guddoomiye Cirro oo saxaafaddu wax ka waydiisay khilaafka markale ka oogmay Golaha Wakiilada oo uu Guddoomiye ka yahay, ayaa eeda arrintaas wuxuu dusha ka saaray Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiiro aanu magacaabin, sidoo kale hadalkii Xildhibaanada ka soo yeedhay ee aha in xilka Guddoomiyaha Golaha laga qaadi karo wuxuu kaga jawaabay, Tuduc kamid ah Maansadi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ee DAALALLEY  wuxuuna yidhi Guddoomiye Cirro. Ma Didee Hargoolow  Haygu Tumin Durbaannada Iyo Daasadaa Madhan.   Hoos Ka Daawo Hadalki Gudd. Cabdiraxmaan Cirro oo dhamaystiran.

mqdefault

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.