DAAWO: Koomishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Rasmiga Ah Ee La Qabanayo Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland mudane Cabdilqaadir Iimaan Warsame ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee loo dareerayo doorashooyinka isku lamaan ee  baarlamaanka iyo dawladaha hoose

Gudoomiye Cabdilqaadir waxaa uu sidan ka sheegay mar uu xarunta aqalka wakiilada kula hadlayay warbaahinta, xili ay kulan saacado badan qaatay oo warbaahntu dibad ka joog ka aheyd ay wada yeesheen gudida joogtada ah ee golaha wakiilada