DAAWO: “Kaadhka Dhalashadu Lacag-buu Noqonayaa” Saylici

(SLT-Hargeysa) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta Kormeer kedis ah ku soo maray qaybo ka mida Wasaaraddaha Dalka, Goobaha Diwaangelintu ka socoto iyo Hay’adda Shaqaalaha.

Md. Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu kormeeray  Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha, Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Xafiiska Hay’ada Shaqaalaha iyo Xafiisyo kale  oo dawli ah.

Saylicii

Waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka Xafiis kasta oo wasaarada ka mid ah soo mariyey ugana war bixiyey hawlaha shaqo iyo sida ay ka wasaarad ahaan ugu heegan ka yihiin dhalin yaro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.