Guddoomiye Cirro Oo Weeraray Saxafadda Kuna Calaacalay Inay Beegsadeen.

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar su’aalo badani ka dhasheen kalina uu ku aha oo u dalka Turkiga ku gaadhay. Guddoomiyaha oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Hargaysa ayay ka muuqatay nuglaansho badan, iyadoo laga dheehanaayay Damqasho uu ka qaaday mad-madowgii ka dhashay Safarkiisa oo Saxaafaddu baahisay.

“Website-yo gaara iyo Wargaysyo kooban oo Xukuumaddu ka danbeyso ayaa sidii awabla caadada u ahayd iga fidiyay wararkaas”. Weeshahaasi waxay kamid ahaayeen hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga WADANI kaga tiraabay qolka nasashada Madaarka Hargaysa.

cirooooo

Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro) oo ay ka muuqatay xanaaq xad dhaaf ah oo uu ka qaaday Saxaafadda wararkaas ka baahisay, ayaan soo hadal qaadin ama ilawsanaa Meeragaha iyo Wargaysyada Xisbiga WADANI ku abtirsada ee caadada ka dhigtay cayda iyo aflagaada, intaanu Saxaafadda kale ee xorta ah ee baahisay shakigii uu abuuray uu Weeraraayo. Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Somaliland magac iska baxay maaha Somaliland waa talo iyo go,aan shacbi waa Afti qaran waa go,aan Madaxwayne xukuumada iyo Baarlamaan midna waxba ka badali karin waa go,aan anigu aanan waxba ka badali karin Umaday cay ku tahay in la yidhaahdo Somaliland ayaa la iibinayaa waxay ila tahay go,aankaa shacabka cid badali kartaa inaanay jirin aniga shaqsiyan waxan isleeyahay Somaliland lagaaga biqi maayo, waxan isleeyahay hadaanan gaadhsiin ba karin shacbigayga himilada ay doonayaan wakhti iskga maan qaadeen inaan isku soo sharaxo madaxtinimo, shacbigaaga waxad ku hogaamin kartaa himilada ay doonayaan.

Xisbiga Waddani Cidoo doontaaba wax haka sheegto waa xisbiga rajada ee Somaliland waxan isleeyahay waa xisbi hankiisu yahay inuu dalka ku hogaamiyo nadab  ictiraaf iyo Horumar ,dadka reer Somaliland way ka ilbaxeen shugux shugux kolba cidi utunto waxad moodaa malaa doorashadii baa soo dhawaatay xawlal mariidka ayey maraysaa malaa qaarba isle malaa waxa lagu kala badinayaa Beenta iyo Borobogaandaha.

Mudadii aan maqnaa sidii caadada u ahaan jirta Warqgasyo kooban oo ku xidhan xukuumada iyo wabsite yo iyanuna la mid ah oo ku xidhan xukuumada waxay sidii ay awalba qori jireen qorayeen warar beena wararkaas beentaa waxa ugu danbeeyey waraaq ay yidhaahdeen gudoomiyaha golaha wakiilada waraaq uqoray dalka Finland , waraaqdaas anigu maan qorin Xoghayaha guud baa ka hadlay baarlamaanka ka hadalay Barigii hore beenbaa la qori jiray laakiin hada waxay soo gaadhay in waraaqihii qaranka la been abuuro, waxan isleeyahay mararka qaarkood malaa mid run u eeg baa la sheegaaya ninka warqadaasi qoray Af iniriisiga Qoray malaa buug Wanka muu dhamayn baan is idhi hal san tanis oo sax ahi kuma jiro waxa kale oo la yaab lahayd haduu inigiriisi ba ka dhigay gunaanadka waxa uu ka dhigay afsomali , waxuu ku qoray magacaygii af somali ku qoran gudoomiyaha golaha wakiiladu ku saxeexan yahay allaa mahad leh na wuu ku qoray, taasi waxay marag ka tahay wixii hore ee ay qor qori jireena inaan waxba ka jirin waxay qoreena aanay waxba ka jirin.

Mararka qaar kood iyaga oo isleh cabdiraxmaan Cirro wax ka sheega ama qof kale oo masuula oo qaranka jooga waxay been ka sameeyaan dawlado aynu saaxiib nahay  oo aynu jaar nahay dawladaahaas ay had iyo jeer wax ka qoraan ee ay jelaadeen waxa ka mid ah Dawlada  Jabuuti  mar koowaad maaha mar labaad maaha markii sadexaad maaha  ee ay qoraan jabuuti iyo gudoomiyaha golaha wakiilada waxay ku wada hadleen in ay dhul ka mid ah Somaliland ku wareejiyo , lacag malaayiin oo dolar ahna way soo siisay Jabuuti  markaas malaa waxa fiicnaan lahayd cirro ha iska eryadaane dawladaha aanu saaxiibka nahay ee ay ka mid tahay jabuuti  ee uu ka mid yahay dalka turkiga oo ah dal wayn oo ku dhiiraday inuu xafiis dublamaasinimo ka furto Somaliland  halkan buu ka furtay oo ah qunsuliyada ku taala africada Saxaaraha ka Hoosaysa  hadii wax kale la qadarin kari waayo 250 arday baa dhigta baa laygu yidhi turkiga xidhiidhkeenu wuu kobcayaa qolaadaas cirro iska er eryada oo Dawladahaas iska daaya baan idin odhan lahaa,

Waxay kale qoreen sida aan akhriyey sheeko kale sheeadaasi kale waxa weeye in dawlada jabuuti  ama wasiirkeeda arimaha dibada iyo dawlada turkiga ay dhex dhexaadinayaan Madaxwaynaha Somaliya iyo in gudoomiyuhu dawlada Turkiga lacag waydiistay  taa hore hadaan ku noqdo  ee Filand laftigeeda finland anigaa daganaan jiray oo dawladaha lacagta bixiya ba maaha Finland Qolada UCID baa kasoo qaadi lahayd bari hore, waxa la dhex dhexaadiyaa dawlado ee shaqsi iyo dawlado lama dhex dhexaadiyo waxan shacbiga reer Somaliland usheegayaa uxaqiijinayaa ucadynayaa dawlado aniga iyo Cid kale na dhex dhexaadiyey inaanay jirin ama jabuuti ha noqoto ama jabuuti ha noqoto oo naysu kaaya keenay inaanay jirin lacag aan cid waydiistayna inaanay jirin ee aan utagay halkaas caafimaad ayaan shacbigayga xisbigayga iyo dadkaygba ucadaynayaa”.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.