DAAWO: “Doorkan Doorashadu Waa Doorkaygii Muran Kuma Jirto” Guddoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe.

(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay Wehelinayeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa uu iska soo diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha Dawladda .

Gudoomiyaha ayaa markii uu isasoo diinwaangaliyay Warbaahinta Kula hadlay afaafka hore ee Xarunta waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta is diinwaangaliyo .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in hakintii ay hakiyeen Diinwaangalina ay keentay in Raxmaadkii roobku inoo da’o .

Gudoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Diinwaangalintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay Qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhacc keenta , dawladnimada khattar ku ah .

Ugu danbeenti warbaahinta oo wax ka waydiisay saadaasha uu ka bixinayo Doorashada iyo Rajjada Xisbigiisa Ucid, ayaa waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in sannadkani yahay sannadkii Xisbiga Ucid talada dalka qaban lahaa .

Somalilandtoday/Hargeysa/Office