Daacish Oo Gaadhay Badhtamaha Magaalada Kobani.

(SLT-Kobane)-Dagaalka ka socda magaalada Kobani ee dalka Syria ee u dhexeeya kooxda daacish iyo kooxaha kurdiyiinta xakjirka ah ayaa sababay in dagaalyahanada kooxdan ay gudaha u galaan badhtama magaalada Kobani, Daacish waxa ay qabsatay mid ka mid ah xaruumaha maamulka ee magaalada iyo sidoo kale saldhig boolis oo ku yaala gudaha magaalada.

unnamed

Duqaymaha diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa sii kordhay iyada oo lagu beegsaday goobo ay fadhiyeen dagaalyahanada kooxda daacish oo ku yaala bariga magaalada kobani, Raaiisul wasaaraha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in Kobani ay qarka u saarantahay in ay gacanta u gasho kooxda daacish.

Dhinaca kale , deegaanada ay kurdiyiintu ku badanyihiin ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka socda rabshado aad u sii kordhaya iyada oo ay fooda isdareen ciidamada nabadgelyada ee Turkiga iyo dad mudaaharaadaya oo ka xanaaqsan ka qayb qaadasho la’aanta ciidanka Turkiga ee dagaalka ka socda Kobani.

Yaziidiyiinta kurdiyiinta ah ee taageersan xisbiga KWP ayaa bilaabay in ay weeraraan kurdiyiinta muslimiinta ah, Maalinimadii salaasada , waxaa dhacay weeraro farabadan kuwaas oo lagu dilay dad badan oo kurdiyiin muslimiin ah , waxaana ka mid ahaa nin 15 goor toori la geliyay iyada oo keliya sidaa loogu gartay ay ahayd in uu lahaa sunaha muslimiinta ee uu ka midka yahay gadhku.

Dad badan oo ka mid ah muslimiinta kurdiyiinta ah ayaa la dilay, iyada oo yaziidiyiintu ay soo bandhigeen sawiro ay ku muujinayaan dad muslimiin ah oo dhintay, iyaga oo sheegaya in ay dileen si ay uga aargoostaan dagaalka ay daacish ku hayso magaalada Kobani.

Yaziidiyiintu waxa ay fuliyeen weeraro farabadan oo ay u geysteen iskuulo iyo cisbitaalo, iyaga oo magaalada Diyarbakir dab qabadsiiyay qaybo magaalada ka mid ah, waxay dheceen bangiyo iyo meherado ganacsi, sidoo kale waxa ay caruurtooda u direen in ay soo xadaan hantida dadka sababta oo ah sharci ahaan caruurta danbi looma qabsado sharciga dalka Turkiga.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com