Daacish Oo Dil Kuwada Xukuntay Shaqaalaha Twitterka.

(SLT-Iraq)-Shaqaalaha Twitter ayaa helay fariimo loogu hanjabayo in la leyn doono kuwaas oo ay  usoo gudbiyeen xubno ka tirsan kooxda la magaca baxday Dawlada Islaamiga ah ka dib markii Twitterku bilaabay in uu xidho bogoga ay kooxdu wax ku baahiso, sidaa waxaa sheegay Maamulaha guud ee shirkada Twitter.

Ka dib markii ay meesha ka saareen bogag badan oo ay isticmaali jirtay kooxda Daacish , kambanigu waxa uu helayay fariimo iyo wicitaano farabadan oo loogu sheegayo in dhamaantood la leyn doono sida uu sheegay Vanity Fair oo ah maamulaha shirkada.

 

x

“ Taasi waa arin cabsi badan in uu qofkasta arko” sidaa waxaa sheegay Vanity Fair oo ka hadlayay shirka aaladaha casriga ah oo dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in bogogan la xidhay ay kooxda Daacish u adeegsan jirtay in ay ku fidiso afkaaro argagixisonimo oo ay ku soo jiidato dad cusub, isga oo intaasi ku daray in Twitter uu markasta diidanaa in uu danbiilayaasha cod ka siiyo Online-ka.

“ Waa mid sharciga ka dhan in badan oo ka mid dalalka aan ka hawlagalno in Twitter loo adeegsado si loogu fidiyo afkaar guracan” sidaa waxaa yidhi Mr Costolo. “Marka aan helno bogogan waan xidhnaa gebi ahaan, waxaan u xidhnaa si muuqata”.

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday