Ciyaar Aad U Xiiso Badan Oo Caawa Dhex-maraysa Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

(SLT-Madrid)-Barcelona iyo Real Madrid ayaa caawa isku wajahi doona garoonka Camp Nou, waana dhacdada ugu weyn ee maanta la hadal hayo dhanka kubadda cagta. labadaan kooxood waxey isaga hor imaanayaan koobka Supercopa de Espana lugtiisa koowaad waana dhacdo u muhiim ah labada kooxood ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Real Madrid waxey caawa imaaneysaa Camp Nou iyadoo heysata La Liga, Champions League & UEFA Super Cup, halka Barcelona ay gurigeeda ku ciyaari doonto iyadoo heysata kaliya koobka Copa del Rey.

BBC waa ay dhameystirmi karaan hadii go’aanka Zidane uusan kala dhantalin, balse marnaba lama arki doono MSN madama Neymar uu xirtay maaliyadda Paris Saint Germain.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Real Madrid

Tartanka: Supercopa de Espana (Lugta Hore)

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Ricardo De Burgos (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

BARCELONA:

Andre Gomes iyo Thomas Vermaelen ayaa seegay kulankii ay Barcelona la ciyaartay kooxda reer Brazil Chapecoense koobkii Gamper Trophy, balse haatan diyaar ayey u yahiin iney ka qeyb galaan kulanka caawa.

Super Star ayuu kuankaan u xiisi doonaa waana Neymar Junior kaas oo ka baxay Barcelona kuna biiray Paris Saint Germain, kaliya Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaana ka taagan tiirarkii MSN, balse waxey heli karaan Deulofeu.

REAL MADRID:

Kaliya laba xidig ayaa kulankaan ka maqnaan doona Jesus Vallejo iyo Luka Modric oo ganaax ku seegi doona kulankaan kaas oo casaan qaatay sadex sano ka hor, balse waa u diyaar kulanka lugta labaad ee arbacada.

Cristiano Ronaldo lama oga sida uu kaga qeyb noqon doono kulanka caawa walow uusan wali taam buuxa u aheyn inuu kulan weyn ciyaaro.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Labadaan kooxood waxey kulmeen 267-kulan dhamaan tartamada oo dhan, markii ugu horeysay waxey is arkeen 1929, markaas oo ay Madrid 2-1 ku badisay kulan ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee Spain.

Barcelona ayaa rikoor wanaagsan marka la eego guud ahaan guulaha lakala gaaray kuwa rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga aheyn 111-kulan ayey badisay halka Real Madrid ay adkaatay 97-jeer.

Kulamada rasmiga ah labadaan kooxood waxey kulmeen 233-kulan, waxaana ugu guulo badan Real Madrid oo adkaatay 93-jeer.

Dhanka kale 12-jeer ayey koobkaan ku kulmaan, 6-jeer Madrid ayaa guul gaartay halka Barcelona ay guul gaartay 4-jeer, laba jeerna barbaro.

Ciyaariyahanka ugu safashada badan waa Manolo Sanchis oo saftay 43-kulan, halka midka ugu goolasha badan uu yahay Lionel Messi 24-gool.

KULAMADII UGU DAMBEEYAY:

Jul 29, 2017: Real Madrid 2-3 Barcelona (ICC)

Apr 23, 2017: Real Madrid 2-3 Barcelona

Aug 3, 2016: Barcelona 1-1 Real Madrid

Apr 2, 2016: Barcelona 1-2 Real Madrid

Nov 21, 2015: Real Madrid 0-4 Barcelona

SAFKA MACQUULKA AH:

Barcelona:

Ter Stegen; Vidal, Pique, Umtiti, Alba; Iniesta, Busquets, Rakitic; Messi, Suarez, Deulofeu

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo.