CIRRO: Ictiraaf Mise Caadifad ?

(SLT-Hargaysa)“Madaxtooyadu, hadday caddeymo ku hayso Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ha noo soo mariso Somalilandtoday” sidaa waxa maanta saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee qaranka Somaliland.

Guddoomiye Cirro, ayaa weedhaha noocan ah ku soo daray shir jaraa’id oo uu maanta kaga hadlayey xubintii uu xisbiga WADDANI u xushay inuu uga mid noqdo Guddida doorashooyinka qaranka ee dhismahoodu socdo. Waxaanu Guddoomiyaha Waddani ku dooday in qoraalka Madaxweynaha Somaliland dib ugu celiyey Dr. Maxamed Cismaan Fadal lagu baahiyey Mareegta wararka ee Somalilandtoday.com, ka hor sida uu sheegay intaan la gaadhsiin xafiiska WADDANI.

48166_10150923496008535_1689441037_n (1)

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa marka uu sidaasi sheegayo waxa uu isku ladhay warbaahinta qaranka (Tv-ga qaranka, Wargeyska Dawan iyo Radio Hargeysa) iyo warbaahinta Madaxa-banaan ee Somalilandtoday Media Group, isaga oo dadweynaha u muujinaya in si kasta oo Somalilandtoday wax u qorto, haddana ay ku aroorto hay’adaha hoos taga dawladda. Laakiin waxa is waydiin Mudan, haddii Somalilandtoday.com ugu hor baahisay warkii Madaxtooyadu u soo dirtay warbaahinta, ma Madaxtooyadaa si gaar ah u soo gaadhsiiyey Warka dib u celinta Dr. Fadal, Mise Somalilandtoday-baa hay’adaha kale warbaahinta kaga deg-deg badan baahinta wararkaba ?. Mise waxaynu hadalka Guddoomiye Cirro u qaadanaa inuu Somalilandtoday.com u ictiraafay Mareegaha wararka ta ugu af-dheer ama ugu deg-degga Badan ?. Mise waxaynu u qaadanaa hadal caadifadeysan oo Guddoomiyaha uga soo baxay si aan ku talo-gal ahayn ?

Si kasta oo ay tahay, waxa hadalka Guddoomiye Cirro, ka muuqanaysa inaanu fahamsanayn in xumaan iyo Samaan soo hadal qaadka Magaca hay’ad warbaahineed aanay waxba ka dhimayn,  haddii aanay wax ugu kordhinba. Sidaa daraadeed bahda warbaahinta Somalilandtoday Media Group, waxay leeyihiin Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Mahadsanid.

 

Cabdiqaadir A. Carab

Tifaftiraha Guud Ee Somalilandtoday

Horseed001@gmail.com

Contact@Somalilandtoday.com