CIRO IYO XISBIGIISU WAXAY CADAYSTEEN INAY WADANKA CIIDAMO SHISHEEYE LA JECEL YIHIIN DALKUNA DAL AJAANIB UU NOQDO BY:LIBAAX YARE.

BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM,

Marka hore waxaan salaamayaa saxaafada xorta ah iyo dhamaan shacabka somaliland dibad iyo gudoba.

Mar labaadka hadii aan usoo gunda dago waxaan in badan eegaynay oo guudka kala soconay oo qiimayn ku samaynaynay xisbiyada mucaaradka ah, waxaan ogaanay in ay iyagu wax badan oo siilaanyo iyo xukuumadiisa la saaro inay iyagu sabab u yihiin, sida iska hor keenka bulshada, xaalad abuur marwalba taagan, kaambayn marwalba taagan,ujeedaduna aanay ahayn muwaadinimo ee ay tahay (XUMAHOO LADOORSHIYO XIL DARYEELIDIISIYO DAD U HIILIN MAAHEE GEEYADA DEKAANKAA  ANA AAN DUL BUUXSHOO DALASADO MARKAYGEE IIGA SOO DAG WEEYAAN).

siciid

waxaana u daliila horta labada xisbi ma faysal mise ciro, faysal horta waa nin bashaasha oon xumayn oo calool wacan waayo waxaa lagu qiimayn karaa wuu u soo samray xisbiga waana la garanayaa intuu usoo samrayay ee uu waday xisbiga inkastoo uu waaya arag yahay, hadana xisbiga waxaa ka xumaynaya qaar aan is idhi hurday kasoo kaceen oo muudh ku jira oo markay hadlayaana afkii xabaglayaasha ku hadla oon cidna ixtiraamayn karaamada iyo dhegaha bulshadana mar walba meel kaga dhaca. waayo? hadalku milguu leeyahay haday kaftan tahay iyo haday run tahayba, markaa milgaha lagama tago ee faysal kuwaa haka maarmo haduu ka maarmi karo, haduu isleeyahay food bay kaala tagayaan intay didinayaan baa ka badan.

WARAABAHA KA CIYA IYO KA AAMUSAN IYAMAA XUN?

1-Ciro isagu waa mindi dhultaal wadanina maahee waa kadare oo ilaa labadii nin ee kuxigeenada ahaa waa kii u quudhay inuu yidhaahdo idina kadaga kuraasida gudoonka ana aan kaligay fadhiyo, inuu kaligii taliye soo socda yahay halkaa ka garo.

2-wuxuu ka hadlaa mudo kordhin hadana isagaaba isu kordhiyay meeshana wuxuu had iyo jeer isku dayaa inuu xilka gudoomiyenimo ku af duubo.

3-wuxuu isku haystaa laba sadex xil, G/baarlamaanka, ahna G/xisbiga kadare, ahna Musharaxa madaxweyne ee xisbiga.

Bal hadaba dadkii muxuu u reebay, intasaa nagaga filan waliba markaa suu filimkana nacas ku matalaa waana mindi dhultaal.

Xisbigiisana waxaa ka buuxa qaar raamo leh oo dibada kasoo hadla oo websidyadii waalay cayda, iskudirka qabyaalada huursan, kala qoqobida bulshada,beel beel isugu dhufashada, calanka xisbiguna waa casaan,

oo aad is odhanayso tolow ma waxay doonayaan in dalkaba ay tahriibiyaan oo malaa mashruuc bay kusoo qaateen.

waxaana ka muuqata tudhaalid la,aan dalka ah cid kale ayuun bay wax ka sheegi yaqaanaan laakiin iyagu qiimayn iskuma sameeyaan waxii runa ee wadanka waxyeelaya waa laga hadlaa laakiin waxaa xun beenta iyo borobagaandhaha marwalba taagan.

(KHILAAFKA BAARLAMAANKA BAL CIRO WAX SAXA HA SHEEGO HADAANU DAALIN AHAYN, WAA MURANKA TAN UGU DAMBAYSAYE).

hadaba waxaa haboon in laga feejignaado wixii inagu xun ee wadankeena karaamadiisa iyo dadkiisaba wax u dhimaya,

shacabkeenana yaan qaybta qabyaalada lagaga shaqaysiin ee qaybta muwaadinimada iyo horumarku waa inay shaqaysaa

yaan xumaan la beerin ee waa inaynu wanaaga beeraa ka shaqaynaa midnimada shacabka iyo danta guud.

waxaan ku soo koobayaa waar wanaag iyo samir baa wax lagu helaa ee xumaan iyo munaafaqad wax laguma helo guulna laguma gaadho.

wabilaahi tawfiiq.

by:libaax yare.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..