CIIL BAAN LA OOYEYAA!!!! W/Q: Hamse Bashe Muhumed

Wiilkani muu helin nolol farxad gelisa, wax ay hooyadii iyo aabihii kala tageen isaga oo aad u yar misna naaska jaqaya, wakhtiagaas Horaa loo yidhi Nin iyo naagtii colna maaha nabadana maaha, intii uu caloosha hoyadii ku jirayba dhawr jeer bay is qabasadeen oo hoyadii duday misna odayaal loo diray oo lasoo celiyey, Buruburka qoyskan ku yimi waxaa kaga daran daryeelkii guud ee dalka oo burbursan waayo xasuuso wakhtiga ay dhibtani ku dhacaday waa 1988 wakhtigaas oo qof kasta uu naftiisa la baxsanaayey sababta oo ah dagaaladii xoganaa ee ka dhacaayey waddanka iyo duqaymihii cidanmadii siyaad bare ku wadeen dhismayaasha iyo magaalooyinka waaweyn.

 

Kala dhaqaaqii Hoyadii iyo Aabihii waxay keentay inuu cidlo ku dhaco, misna waxay keentay in

qof xasuusta la waayo isku halayn darted, wiilkii wuxu wakhti adag soo maraba markii uu noqoday qof garaad iyo garasho leh ayuu bilaabay in uu wax dhigto oo aabihii ka bixiyo wax barashada, wuu koray, oo qurux badnaaday misana noqoday araday ku wanaagsan quraanka iyo akhrintiisa oo imtaxaan kasta oo laqaado ugu sareeyey, Laakiin xasuuso dhibta haystaa waa walidkii oo kala maqan, Hoyadii waxay degantahay magaalada Berbera, Halka aabihiina deganaa Hargaysa, Nolosho hadba waa labada gelin, xalad adag baa wilkan kusoo muruxsataya waxa uu jecelaaday in uu shaqaysto, Waa nin rag ah oo arin iyo talo kama dhamaadaane fikir iyo maskax tuujis buu isku daray siduu hoyadii iyo aabihii iskugu keeni lahaa, Laakiin may suurto gelin, wuxuu jecelaaday in uu keligii noolaada oo waxa uu ku biiray dhalinyar ka shaqaysa geerashka baabuurta iyo biraha lugu sameeyo, oo jecelaaday in uu farsamada gacanta oo ah shayga qudha ee qofka aan wax baranin ku shaqaysto uu ku shaaqaysto, In mudda ah markuu ka shaqaysanaayey misna naftiisu dareentay in uu wax qabsan karaayo, Ayuu talo ka doonay aabihii ogow oo abihii laf ahaantiisu shaqo buuran ma hayo laakiin cuno maalmeedkiisa wuu lasoo baxaa oo waxa uu ku shaqaystaa biyaha oo uu xaafadaha u dhaamiyo wakhtiyada ay socodaan oo wax uu wataa Dameer la yidhaa Cadaawe waa mid dusha sare ku leh bulbul cad oo sida farska labada dhinac u kala dhacsan, Mawliid waxa uu aabihii waydiistay in uu maalin maalin ka nasiyo dhaaminta biyahay, oo isagana shaqada ku barto laakiin  Markii uu in muddo ah aabihii ka caawinaayey biyo dhaamiska habeenada dhaxanta badan leh losoo jeedo, waxaa uu damaciisa iyo niyadiisa u sheegay in uu dameer uu ku shaqaysto iibsado, Iibsay oo waxa uu yeeshay macaamiil badan oo uu ka iibiyo biyaha, oo waxa uu noqoday wiil ka caan ah shaqaalaha muruqmaasha ah ee ku shaqaysa gaadhi ximaarka waxa somaliga loo yaqaan, mawlid hel dhaqaale farabadan oo uu muddo si dhib ah u ururuinayey, ogow oo dhaqaalahan uu helay waxaa uu ku helay soo jeed, dhaxan, qabaw iyo dhibaatooyin kale oo u dheer, waayo wali waa wiil dhalinyaro ah, oo tii dhalinyaro nimo way haysaa, Dhaqaalihii uu ka helay waxa uu ku iibsaday jago, si uu mustaqbalka u dhisto hadii uu dhaqaale kale oo buuran helo, sidoo kale waxaa uu ururusaday dhaqaalihii guurka oo uu guur buu diyaar u ahaa, Laakinse Arinkasta oo aad qorshaysaa sida aad u rabtid uma dhacado, saw goor makhrib ah oo dhibta shaqadu ku badantahay mawlid oo uu cadhaysanyahay, misna hiifaya oo inkaaraya dameerkan uu ku shaqaysto, waxaa u yimi dhalinyaro iyaga laf ahaantoodu kasoo hadhay waxbarashadii waxaan kawadaa soo saaqiday oo inyar oo faro laab ahna sita lacag yar macanihii, oo kula taliyey in uu tahriibo, Mawliid tahariib, oo in muddo ah ayuu ku cakirnaa magafe iyo cid aan dhaamin oo hadba lacag loo qabsanaayey, jagadii iyo lacagtii uu urursaday ee uu mustaqbalka ugu talo galay ayuu kumeel maraayey oo meelkasta lagaga furfuraayey, Saaka waa subax Axad ah waxaan soo maray gurigoodii Waa hoyadii oo ilmaynaysa, misana ku barooranaysa Ciilbaan la ooyeyaa!!!!!!!!!!, Cajiib ileen Wilkii mawlid ahaa wakhtigisii baa dhamaaday oo sabtidii buu raacay doon baxaysa, taas oo ay saarnayeen Dhalinyaro badan oo Dalka ahi waxaan aan ogaaday in doontaasi ay ku dhinteen 200 oo qof oo dhalinyaro ah, Ciilbaan la ooyeyaa!!!!.

W/Q: Hamse Bashe Muhumed

Hamse Shaadhey

Hargeisa Somaliland