Ciidanka Ciraaq Oo U Diyaar Garoobaya Sidii Ay Daacish Kaga Bedbaadin Lahaayeen Baqdaad.

(SLT-Baqdaad)- In ka badan 15 qof ayaa lagu dilay magaalada Baqdaad Maanta iyada oo tiro dad ah oo aad u farabadan ay ku dhaawacmeen 4 qarax oo ka dhacay gudaha iyo hareeraha magalaada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Qaraxyadan ayaa la aaminsanyahay in ay ka danbeyso kooxda suniga ah ee jihaad doonka ah ee Daacish oo iyadu dagaalo ba’an kaga jirta qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, Qaraxyadan ayaa ka dhacay meelo ay aad ugu badanyihiin dadka haysta mad-habta shiicada.

_78388193_29c869af-48cf-403e-9daf-fe4433c20802
Dhinaca kale Raiisul Wasaaraha dalka Ciraaq Haider Al Abadi ayaa ku sugan dalka Iiran isaga oo madaxda dalkaasi kala hadlaya sida ay tahay in loo wajaho dagaalka ay dawladiisu kula jirto dagaalyahanada Daacish oo iminka halis weyn ku ah caasimada dalka Ciraaq oo ay u jiraan masaafo aan sidaasi u sii badneyn.
Laakiin Masuuliyiinta dalka Ciraaq ayaa iyagu aaminsan in Daacish aaney qabsan Karin Baqdaad , laakiin ay suuragaltahay in ay sii socdaan qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee kooxdu ay ka geysaneyso magaalada caasimada ah ee Baqdaad.
Somalilandtoday\Hargeisa Office.
Contact@Somalilandtoday.com