Ciidanka Booliska Oo Gaadhi Khamri Sida Ku Qabtay Tuulo Ka Mid Ah Oodweyne, Balse Dadkii Ka Ganacsanayey Ay Ka Fakadeen

(SLT-Hargeysa)-Ciidanka Booliska ee Gobolka Daad-madheedh ayaa Gaadhi noociisu yahay Landcruiser oo ku rarnaa Khamri ku qabtay tuulada Daahir Oogle ee hoos timaada Degmada Xaaji Saalax ee Gobolkaasi.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Daad-madheed Gaashaanle dhexe Axmed Cabdillaahi Cabdi  iyo Ciidan uu wattay oo habeen hore hawlgal ka sameeyey tuulada Daahir Oogle ku soo qabtay Gaadhi khamri siday, Taliyaha oo warbaahinta uga warramay sida hawlgalkaasi u dhacay ayaa waxa uu yidhi,  “Maanta oo ay taariikhdu tahay 29.11.2017 waxaan idiinku yeedhay arrin dhibaato ah oo ka jirta gobolka oo ku soo badanaysa beryahan dambe oo ah  bahalka  khamriga ah ee dadka lagu fasahaadinaya, laba habeen kahor ayaanu agagaarka Tuulada Daahir Oogle ee Xaaji Saalax agtiisa aanu waddada ka galnay, dabadeedna gaadhiga aad arkaysaan baa noo soo galay,  isagoo khamrigaa halkaa yaalla ku rarnaa, kadibna waanu qabanay, balse maxaabiistii way naga baxsatay, laakiin gaadhigii iyo khamrigii gacanta ayaanu ku dhignay,  Khamriguna waxa uu ka kooban yahay kow iyo labaatan kartoon oo halkii kartoon ba ay ku jirto 24 midh oo noqonaysa 504 xabbo oo littir,  waa laba foosto iyo badh ama afar littir baa dheer, gaadhi qudha ayaa siday waana kaa halkan taagan, ILAAHAY baa nagu guuleeyey wixii dambena ee ay awoodayadu tahay ee Ilaahay noo sakhiro waanu ka qabanaynaa”.

Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay halista Khamriga iyo sida uu ugu fidayo tuulooyinka gobolkaasi iyo saameynta uu ku leeyahay dhallinyarada, “Arrinkaasi waa mid aanu uga digayno dadkeena oo dhibaato badan ku haysa,  xaddadka tuulooyinka ka soo hooseeya wuu ku soo faafay ciyaalkii oo sakhraansan baad arkaysaa haddii aan laga hor tagin oo aan wax laga qaban wax ka xun bay dabada ku haysaa oo ay soo wadataa kollay anaga boolis ahaan iyo madaxdayaduba waanu ku barraarugsannahay habeen iyo maalin ba waanu u taaganahay oo kama seexano oo wax ba kala hadhi mayno wixii aanay tamari noo diidin mooyee”. Ayuu hadalkii ku soo xidhay Taliyaha Goboblka Daadmadheed Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdillaahi Cabdi.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office