Ciidamadda Ammaanka Oo Ku Waabariistay Huteelka Fanaanada Sahra Halgan, Muj: Dhagaweyne Oo Amarka Ciidanka Diiday &Wararkii Ugu Danbeeyay Xaladaas.

(SLT-Hargaysa) Fanaanada Sahara halgan oo ah mulkiilaha Huteelka Hido dhawr oo ku yaala Magaalada Hargaysa, ayaa xalay saxaafadda u sheegtay in aanay u hoggaan samayn dalabkii  Wasaaradda arrimaha guduhu kaga joojisay in Xuska maalinta shuhadada  SNM, lagu qabto Huteelkeeda, iyadoo taas badalkeeda uu Wasiir ku-xigeenka amnigu ku sheegay in Jimciyada SOYAAL oo sharci ahaan iyadu xuska soo qaban qaabisa ku qaban doonto Xaflada Xuska Mujahidiinta Huteelka Maansoor. Haddaba saaka markii waagu baryay ayay Wariyaal ka socda Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com, ku ka-laheen Huteelka Hido dhawr, waxaanuna kula kulanay Ciidamadda ammaanka oo guud ahaan la wareegay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Huteelkas.

Dhagaweyne-475x356

Ciidamadaas oo ka horjoogsaday xubno isu diyaariyay inay ka qayb galaan Xaflada ay Fanaanada Sahra Halgan shaacisay inay Huteelkeeda ku qabanayso, Muj: Ibraahim Xuseen Dhagaweyne oo kamid ahaa sarakiishi ururkii SNM, ayaa soo gaadhay goobtii Huteelka isagoo ay weheliyaan sarakiil kale oo SNM ahi, waxaana joojiyay Muj: Dhagaweyne askarta ammaanka ee goobta ku sugna, balse Muj: Dhagaweyne wuxu u sheegay askarta in aanay cidina u diidikarin galitaanka Huteelka amarna aanu uga qaadanayn iyaga, arrintaas oo keentay is maandhaaf xoogan oo dhexmaray askartii ammaanka iyo Muj: Dhaweyne waxaana aakhirkii soo dhexgalay xubnihii la socday Ibraahim Dhagaweyne oo ku qanciyay inuu u hoggaansamo amarka ciidamadda,  maadaama oo iyaga lagu amray in aanay cidina Huteelka galin.

Si kastaba ha ahaate xaalada ayaa hadda degan, waxayna ka socota Xafladii xuska shuhadadii SNM, Huteelka Maansoor, taas oo ay soo qaban qaabiyeen Jimciyada SOOYAAL, geesta kale waxay ciidamaddu ku guulaysteen inay gabi ahaanba baajiyaan Xafladii xuska ee Sahara Halgan ku baaqday inay ku qabanayso Huteelkeeda.

Somalilandtoday./Hargaysa/Office/

contact@somalilandtoday.com