Ciidamada Maraykanka iyo Kuwa Suuriya Oo Go’doomiyey Magaalada Raqqa.

(SLT-Syria)-Ciidamada Siiriyaanka ah ee dalka Maraykanku taageero ayaa sheegay in ay qabsadeen waddadii u danbeysey ee gasha magaalada Raqqa ee dalka Siiriya, taas oo ka dhigaysa in magaaladu ay go’doonsan tahay.
Magaalada Raqqa ee dalka Siiriya ayaa ahayd xarunta ugu weyn ee ururka la baxay Dowladda Islaamka ee Daacish, waana halka ay degan yihiin ciidamada ajaanibta ah ee ugu badan ee u dagaalanta Daacish.

Ciidamada Jamhadda Diboqraadiga ee Siiriya (SDF) ayaa muddooyinkii danbe dagaalo xooggan kula galay ururka ISIS magaalooyinka ku dhaw Raqqa ee dhaca webiga Furaat, waxaana dhanka cirka ka teegeeraayey diyaaradaha xulafada Maraykanka.
Afhayeenka Xulafada Maraykanka Joe Scrocca ayaa sheegay in Jamhadda SDF ay ku socotey si xawli ah haddana ay maamuleyso dhamaan waddooyinka gala Raqqa.
Rami Abdelrahman oo ka tirsan hay’adaha dusha kala socda arrimaha Siiriya ayaa sheegay in ISIS xalka u furan uu yahay keliya in ay dagaalamaan ilaa qofka ugu danbeeya.
Raqqa ayaa waxaa sugaya burburkii ku dhacay magaalada qadiimka ah ee Mosuul ee dalka Ciraaq ee ISIS ay ku xooganaayeen, taas oo hadda noqotey Xalab-tii labaad, waxaana dagaaladaas ku burburey dhismayaal jirey tan iyo qarnigii 12aad.