Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Haweenayda Qaadka Keenta Hargeysa Ee Amina Gaafane Iyo Sababta Loo Xidhay

(SLT-Hargeysa)-Maalmihii ugu danbeeyey waxaa kor u kac weyni ku yimid qiimaha lagu iibiyo qaadka magaalada Hargeysa ,isla markaana waxaa ay taasi abuurtey in buuq ka abuurmo goobaha suuqa ku yaala ee qaadka lagu iibiyo.
Maalintii shalay aheyd waxaa buuq ka dhashay Badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaan goobta lagu iibiyo qaadka Gaafane isla markaana waxaa ay ciidamada Boolisku ay xabsiga dhigeen dadkii goobtasi buuqa ka sameeyey iyo sidoo kale haweenayda qaadka keenta ee Amina Gaafane.
In kasta oo markii danbe la soo daayey Aamina Gaafane hadana waxaa lagu amray in ay qaadka siiso qiimo jaban oo ku hore ku dhaw