“Cid Xisbiga KULMIYE Naga Saaraysa Ma Jirto Wanan Ka Xumahay In Masaal Losoo Qaato Cabdiraxmaan Cabdiqaadir”. Guddoomiye Talyanle

(SLT-Hargaysa) Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa sheegay in aanay jirin cid Xisbiga KULMIYE ka saaraysa, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu ka xunyahay in masaal losoo qaato qaabkii Xisbiga looga saaray Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore Guddoomiye ku-xigeen koobaad uga aha Xisbiga. Sidaana wuxuu ka sheegay maruu Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Hargaysa, Guddoomiye Talyanle oo arrintaas ka hadlaaya wuxu yidhi.

IMG_EF76A5-524B50-E57C89-6F0172-B00270-4AA2D2

“Xisbiga KULMIYE cidna naga saari mayso Xisbigu waa Dimuquraadi maha Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka, wanan ka xumahay in masaal losoo qaato Cabdiraxmaan Cabdiqaadir”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi.

“Waxaanu rabna waxa weeye in si cadaalad ah loogu tartamo dhammaan musharaxiinta, wadahadal kiina wuu noo furmay wax wanaagsana way ka soo baxayaan”.

Somalilandtoday./Hargaysa/Office.