CAYDHI CALMAANIYADDA! QALINKII: GUULEED MAXAMED YAASIIN (DALXA)

HOR-DHAC:

dalxa

Guud ahaan geyiga Soomaalida waxa si xooggan looga dareemayaa raadka mabda’ xun oo soo kordhay. Mabda’aas waxa hor kacaya dad diin laawayaal ah oo aaminsan in diinta Suubban ee Islaamka aan dunida lagu dareewalin karin. Soomaalidu waa bulsho 100% Muslim ah, baanis na maaha ee wax bannaanka yaalla. Calmaaniyiin waa ereyga loo yaqaanno dadka aragtidaas taban faafinaya. Intaas waxa dheer af-lagaaddo iyo ereyo xun xun oo ay Calmaaniyiintu u geystaan wadaaddada Soomaalida oo hadh iyo habeen u taagan wacyi gelinta bulshadooda dibad iyo gudaba joogta.

FAHAN GUUD

SIXITAAN: Calmaaniyadda – maaha CILMAANIYAD – oo laga soo dheegtay cilmi. Waa CALMAANIYAD oo laga soo dheegtay CALMI.

Sida ku xusan qaamuuska Mucjamul Wasiidka, Calmaaniyadda waxa laga soo dheegtay ereyga “calmi” oo ah qofka aan ku abtirsan diin.

Shareecada Islaamku waxay siisay erey bixin – waa diin la’aan iyo qofka oo rumaysan adduunyo keligeed in arrimaha lagu cabbiro. Waxay ka duushaa dadka oo loogu yeedho inay ka faa’idaystaan kuna eekaadaan aqoonta uu dejiyay aadanaha adduunkan ku unkan, iyadoo meesha ka saarta hilfahana u laabta aqoonta Rabbi lagu barto laguna ogaado xaqiiso, cibaado na loo yaqaanno.

Calmaaniyaddu waxay geed dheer iyo geed gaaban ba u fuushaa sidii ay u kala saari lahayd diinta iyo dawladda.(Tix-raac: Mawsuuca Muyasara, degelka Dr Raaqib Asarjaani) Calmaaniyaddu way oggoshahay in qofku wuxuu doono caabudo, haseyeeshee, waxay diiddaa in diinta iyo aqoontu xidhiidh yeeshaan, iyo in dawladnimada iyo diintu xidhiidh yeeshaan. Sida Eebbe looga bartay isma khilaafaan aqoonta iyo diintu. Saynisyahankii la odhan jiray Einstein ayaa laga hayay, “aqoon aanay diini hagayn way laangadhaynaysaa, diin aan aqoon wadinina way indho la’dahay.

Nidaamkan Calmaaniga ahi wuxuu tibaaxaa in wadaaddadu ku eekaadaan masaajiddada faraha na kala baxaan arrimaha bulshada. Ma oggola in wadaadku saamayn togan iyo mid taban midnaba ku yeesho mujtamaca. Hal-ku-dhiggoodu waa: Qaysar wixiisa sii, Ilaahay na tiisa sii.

WARCELINTA ISLAAMKA

Diinta suubban ee Islaamka oo iyadu ah tan Eebbe Weyne ummadda adduunka ku unkan idilkoodu faray inay halhaleel u qaataan, hawraarsan iyo guddoonna yidhaahdaan waxay ummadda ku boorrisay inay Rabbigood u noqdaan, dhankiisana ka filaan agaasinka umuurahooda. Kolkii Rabbi ummadda iyo adduunka ba alkumay, wuxuu sidoo kale raaciyay hab-nololeed ay ku xasilloonaadaan dharaaraha kooban ee ay dunida dul taxaashayaan kuna tallamayaan nolol. Sida ku xusan aayadda 54aad ee Suuratu Acraaf, Rabbi wuxuu yidhi, “Miyaanu Ilaahay lahayn abuurka iyo u arrimin taba?”

Aqoonyahannada ku fogaaday Tafsiirka Qur’aanku maxay ka yidhaahdeen aayaddaas? “Rabbi run buu sheegay; isaga ayaa abuurka iyo arrin kaba xaq u leh. Isagaa abuuray, wuxuu jeclaana faray.” Qurdubii Tafsiirkiisa juska 7aad

Ibnu Cuyeyna oo arrintaas ka hadlayaa wuxuu yidhi, “Qofkii kala qaada arrinta ee abuurka Rabbi u celiya, arrinta na cid kale, waa gaal.”

GOORMA AYAY CALAAMIYADDU BILAABANTAY, GOORTEE AYAY SE BILAABANTAY?

Sida uu sheegay taariikhyanahanka weyn ee Dr Raaqib Asarjani kuna sheegay degelkiisa, Calmaaniyaddu waxay ka bilaabantay Yurub.