Caqabadaha Hogaamineed Ee Somaliland Ka Jira(Musuq Maasuqa,Qabyaalada Iyo Hanaanka Maamul Oo Liita)..Q1aad W/Q Maxamuud Daahir

1. Musuq Maasuqa

Musuq maasuqu markaan meel dhow ka eegno, waa in hantida dawlada iyo awooda dawlada loo isticmaalo dano gaar ah iyadoo loo marayo hanaan sharci daro ah.

Inkastoo ay jirto woxogaa horumar ah, intii ka danbaysay dagaalkii dadka reer Somaliland ay la galeen Siyaad Barre, ee dalkani madax banaanidiisa kula soo noqday, hadana inta badan dadka reer Somaliland waxay ku noolyihiin xaalad dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan aad u baahsan, oo haysata dhalintii waxbaratay. Taasna waxaa kow ka ah musuq maasuqa baahay oo saameeyey dhamaan dalkeena haday tahay shaqo taga, qaadashada koontaraagyada

IWM.
Musuq maasuqa ayaa biyaha dhigey, waana caqabad hortaala hogaamiye kasta, oo yimaada waxaanu ka soo bilaabmaa waqtiga doorashada oo dadkii cod bixiyaasha ahaa lacag loo qaybiyo si codkooda loo helo, taasi oo majaraha ka habaabinaysa in dadku doortaan madax wax u qabata, iyagoon u eegeyn ma leeyahay astaamihiii aad uga baahnaydeen hogaamiye si loo doorto hogaamiye aan caadifi ahayn balse caqligu shaqeeyo.

Musuq maasuqa oo ah caqad hortaala hogaamiye kasta oo Somaliland yimaada waxaa uu saameyn ku yaalanaya in Somaliland xidhiidh ganacsi oo caalami ah la yeelato wadamada caalamka. waxaa u wax u dhimaya ama meesha ka saaraya in muwaadinku helo xuquuqda aasaasiga ah, ee dalka ku leeyahay oo la is dhaco. Musuq maasuqu waxaa u halis galin karaa amaankeena. Musuq maasuqan aan dhayalka u haysaaana waxaa meesha ka saari karaa in adeeg caafimaad oo loo simanyahay la helo iyadoo waliba aanu jireyn adeeg cadaaladeed (Justice Service). Waxaa uu musuq maasuqu cadow ku yahay koritaanka dhaqaalaha; waxaa uu waliba meesha ka saari karaa sharcinimada dawlada (legitimacy of the government).

Iyadoo waxaas oo dhib ah uu keeni karo musuq maasuqu, hadana waxaad mooda inaanu jirin dadaal ay shacabka iyo hogaamiyayaasha siyaasadu ugu jiraan in la yareeyo balse waxaabu noqday shay caadi ah imika. Somaliland-tan curdinka ah, ee uu curdan dhadhiyey musuq maasuqu waxaa muuqda in faraq u dhexeeyo sharciga inooga qoran musuq maasuqa iyo in la fuliyo, taasi oo ceeb ku ah qaranka aan wali qaan gaadhin ee ictiraafka doonka ah. Haddiiba la ina ictiraafi inogoo sidan isku musuqayna oo sharcigu aanu sareyn waxaan maraynaaa dariiqa ay martay koonfurta sudan oo ictiraafkii ka dhaxashay burbur iyo baab’a.

Musuq maasuqan inagu badani waxaa uu xataa hortagaan yahay in Somaliland hesho caawimo badan oo caalami ah taasi oo inta badan hoos loo dhigo wadamada musuqoodu badan yahay sideena.

Musuq maasuqu waa caqab aad u halis badan taasi oo hoos u dhigtay adeega bulshada sida caafimaadka, tacliinta, helista biyo nadiif ah, helista laydh jaban oo nolosheena la jaan qaada sidaa awaadeed musuqu waxaa uu aad u saameeya dadka aan dhaqalaahoodu buurnayn. Inta badan cida doonaysa inay hogaanka dalka u qabato waxaa u ololeeya kooxo danaystayaal ah oo raba in wax la is dhaafsado oo hadhow iyana helaan lacag badan isagana kursiga saran.

Qofkasta oo hogaamiye ka noqda qarankeena oo ku yimaada nidaamka hadda aan wax u doorano oo ah nidaam musu maasuq ah oo qofku lacag ka qaato cida uu u codeynayo ama dano kale waxaa hogaamiyaha la soo darsaysa caqabad musuq maasuq oo keeni kartaa in dhaqalaheenu aanu korin, howlaha shaqada iyo wax soo saarka xafiisyada oo liita, isla xisaabtan la’aan sida aan hadaba aragno oo lakala war wareego taasi oo fududeynaysa in lacagta dawlada lagu shubto akowno gaar ah cidn aanay ka daba tagin.

La soco qaybta danbe oo aan ku eegi doono qabyaalada.

Mohamoud Dahir Omar

Mobile: 0634423327