Canada: Bandoogii Oo Laga Qaaday Caasimadda Dalkaas.

(SLT-Ottowa)-Rai’sal wasaaraha Canada, Steven Harper ayaa sheegay in wadankiisa aan lagu cabsigalinkarin, weeraradii halista ahaa ee dhawaa kuwaas oo lagu dilay labo askari, qof hubaysana uu ku galay xarunta baarlamaanka.

Khudbad uu ka jeediyay Talafeshinka, Harper waxa uu ku sheegay in ay labanlaabidonaan dadaalada ka dhan ka ah kuwa rajaynaya in ay dhibaato ka gaystaan dalkooda.

120207120424_jp_harper512x288_nocredit

 

Bandawgii amni ee lagu soo rogay caasimada wadankaasi ee Ottowa ayaa la qaaday inkasta oo loo malaynayo in agagaarka baarlamaanku ay wali xidhanyihiin.

Ninkii qoriga watay ee lagu dilay xarunta baarlamaanka dhexdiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Michael Zehaf-Bibeau.