“Beesha Axmed Faarax, Kalsooni Buuxda Ayay U Haysaa Xildhibaan Cali Mareexaan, Waayo Waa Mudanaha Kaliya Ee…” Xaji Cismaan Guddoomiyaha Beesha.

(SLT-Burco) Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Gaashanbuur Axmed Faarax (Gaf), ayaa si kulul u beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay qaar kamid ah Mereegaha Internetka. Warkas oo lagu sheegay in Beesha Axmed Faarax Gashaanbuur oo kamid ah beelaha ugu waa weyn Gobolka Togdheer, ay kalsoonidi kala noqotay Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada. Guddoomiyaha Beesha Xaji Cisman Xaji Saleebaan, oo ku hadlaayay afka Beesha ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay in Beeshu kalsoonidii kala noqotay Xildhibaanka, isagoo ammaan xoogana huwiyay Xildhibaanka. Xajiga oo la soo xidhiidhay Wargayska Somalilandtoday, isagoo ku sugan Magaalada Burco, wuxuu yidhi.

IMG_1CFF6E-6233F2-60570D-B51E0F-906B4F-057DA9

“Waxan halkan ka beeninayaa war aan sal iyo raadtona lahayn, oo annaga aan naga soo bixin oo dad u jeedooyinka kale wata oo is qarinaya galiyeen Internetka, waxaan leeyahay ragga siyaasadda isku haya inay beelaha iskula soo nodaan maha oo laga been sheego. Midna waan cadaynayaa Xildhibaan Cali Mareexaan waa Xildhibaanka kaliya ee Xildhibaanadi beeshu dooratay kaalinta kobaad ugu jira, haday wax qabad tahay, haday la shaqayn tahay, haday la socod tahay, si kasta Xildhibaankaasi wuu buuxiyay kaalintiisi, degaankii laga soo doortay iyo guud ahaan Beesha Axmed Faarax Gashaanbuur, habeen iyo maalinba wuu la shaqeeya, xitaa degaanka Burco oo dhan ayuu wax taray, dadkuna waa ogyihiin.  Kalsooni buuxa oo dhamaystiran ayaanu u haynaa.”

Guddoomiyaha Beesha Axmed Faarax Gaashanbuur, Xaji Cismaan oo ka hadlaaya waxay ka yeelayaan dadkii warkaas been abuurka ah ka baahiyay, wuxuu yidhi. “Intaas waxa ii raaca kama hadhayno dadkii warkaas beenta ah faafiyay, mana aha masuuliyiin sidaan filaayo iyo dad xishoonaya waa cid is qarinaysa.”

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.