Cali Khaliif Oo Shalay Dhuumasho Ku Galay Buuhoodle Iyo Mudaharaad Ka Dhan Ah Oo Maanta Dhacaya

(SLT-Buuhoodle) – Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ku magacaaban Madaxwaynaha kooxda Khaatumo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, kaddib markii shalay galab ka soo ambo baxeen deegaanka Eri-goo oo saldhig u ahayd tan iyo markii ay ka soo baxeen Magaalada Saax-dheer.

Waxa weftiga ku soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle, qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida Dhalinyarada, Haweenka iyo waxgaradka, waxaanu ku degay Hudheelka Cabdi-guray Plaza.

Xubnaha ku magacaaban Golaha Wasiirrada ee Khaatumo oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa la socda Galaydh, waxaana lagu wadaa in Maalinta maanta  Xaflad ba uu kaga dhawaaqo dhamaystirka Golaha Maamulkiisa, magacaabana wasiir ku xigeenno.

 

Galaydh

Hasa-yeeshee warar kale oo Wargeyska Somalilandtoday xalay ka helay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in dadweynaha Magaaladaasi qaarkood abaabulayaa Muhadaraad ka dhan Cali Khaliif iyo kooxdiisa, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan dib ugu soo noqoashada Magaalada Buuhoodle oo xilligan nabad ah, laakiin Cali Khaliif doonayo inuu ka abuuro colaad hor leh.

Wararka ayaa sheegaya in taageerayaasha Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye ay hormood ka yihiin Mudaharaadkaasi, isla-markaana doonayaan inay Galaydh ka saaraan Magaalada Buuhoodle.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday