Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Wada-Hadalada Somaliland & Soomaaliya, Heshiiskii Khaatumo Iyo Colaadda Puntland

(SLT-Berlin)-Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ayaa si adag uga hadlay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo colaada Puntland saamaynta ay ku leedahay dadka ku nool gobollada barriga iyo waliba halkii uu ku dambeeyay heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo.

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ayaa arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu telefishanka HCTV ku siiyey dalka Jarmalka, ugu horreyna Galaydh oo ka warramaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu yidhi “Wada hadalo hore way jireen oo waxa bilaabay Sh. Shariif (Madaxweynihii Soomaaliya), oo dalkaa Turkiga ayaa in badan lagu shiray, laakiin wax badan oo hadda la yidhaa way ka soo baxeen anigu maan arag, waa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo qarsoodi ah, anigu se kuwaa ma arag, haddii la wada hadlayo dadkani way isku baahanyihiin oo anigu waan soo dhaweynayaa wada hadalo daacad laga yahay oo ay dadku diyaar u yihiin arrimo cul-culus ayaa meesha yaalla”.

Siyaasi Cali Khaliif oo la weydiiyey sida uu arko eedaha ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Aasaasayaashii Maamulka Khaatumo, ayaa waxa uu ku jawaabay “Nimankaa Odeyaasha ah ee aad sheegayso, waar waa la kala daneystay, waxan hadhowto la iskaga andacoonayo Cali baa taladii leh, waxaan leeyahay taasi maaha qaabkayga, wax maalin ila shaqeeyayna arrin uu igu tilmaamayo maaha”. Waxaanu intaasi ku daray “Qolyihiina saxaafaduna meelahaasi ayaad dhego-dhegaysaan oo aad tidhaahdaan oo meelahaa baraha bulshada laga maqlaa cidna talada waxba ugama ogolid, waa Been, ragga aanu wada dhisnay ee aan ugu han weynaa iyaga ayaa tashaday oo dantooda u arkay Xamar inay ugu badinayso”.
Sidoo kale, Siyaasi Galaydh waxa la weydiiyay halka uu ku dambeeyay heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo, “Heshiiskaasi waxa uu soo gabagabeeyay wada hadaladaa ilaa halkaa la gaadhay oo arrimo laga hadlay oo ahaa nabada sidii loogu tuntuunsan lahaa, hay’adaha dibada ka yimaada ee Somaliland joogaa uma badna oo warba uma hayaan gobollada barri oo Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ma soo dhaafaan ee bal inay soo gaadhaan, waxa kale oo aanu aad uga wada hadalnay dagaalo yaryar oo aagaa ka socday in nabadi ka dhacdo oo aheyd waxa noogu darnaa, waxaanu isla qaadanay ciidamo Khaatumo leedahay in la Qarameeyo, markaa wixii guud ee xudduudaha lagu difaacayo ee Ciidan Qaran lagu noqonayo waa wax lagu hiranayo, annaga taa waxa nagaga daran aagaa dadku ku nool yihiin khaasatan xaggaa barriga ee deriska laga yahay ee Puntland dagaalo badan ayaa ka socda oo ah kuwo Siyaasadeed, kuwo Qabaa’il lagu sheegayo oo maamulka laftiisii ah, markaa waxaanu u aragnay ciidammadaa la qaramaynayo kuwo iyagu masuuliyad iska saaraya xudduudkaasi, dadka dhulka ku noolna waxa wada socda udubka iyo ciidammadii Puntland, waana markii labaad ama saddexaad ee tiknikadii ilaalinaysay Madaxweynaha Puntland ay timid oo ummad ku xasuuqday, markaa arrimahaasi runtii bilow fiican ayey noo noqdeen”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Khaliif Galaydh.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office