Cali Gurey Oo Mucaaridadda Xukuumaddu La Gashay Sirta Ciidamada Iyo Liididda Kordhinta Awooddooda

(SLT-Hargeysa) – Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa ka hadlay dhismaha ciidamada gaarka u ah ilaalinta baadhista shidaalka ee ka bilaabmaya gobollada bariga Somaliland.

Cali Gurey, ayaa sheegay in hanaanka loo wado dhismaha ciidamadaasi aanay xisbi ahaan ku qanacsanayn, isaga oo soo bandhigay sirta qaran ee la xidhiidha awoodda ciidanka loo abuureyo ilaalinta sahamiyayaasha shidaalka Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka UCID, waxa uu tilmaamay inuu maqlay in dawladdu soo iibisay isla-markaana ay dalka soo gaadheen ilaa 150 baabuur oo ah nooca ciidanka, kuwaasi oo loogu talo-galay ilaalada shidaal baadhayaasha, waxaanu xusay in aanay arrintaasi ku qanacsanayn.

Cali Gurey oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo axsaabta Mucaaradku ku qabteen Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaad maalmahanba warbaahinta ku arkayseen ciidamo la lahaa waalla sameynayaa, qandaraasyo lagu bixinayey, Magacyo loo bixinayey, waxa kale oo aad maqasheen baabuur tiradooda lagu sheegay ilaa 150 loo soo wado ciidankaa (Ciidanka ilaalinta baadhista shidaalka), ay yimaaddeen”

Cali Gurey, waxa kale oo uu soo qaadey “150 haddii ay yihiin, markaan u yareeyo baabuurkiiba waxa ku hawl-galaya 10 askari, 150 baabuur oo min 10 askari ahina waa 1500 oo askari, kuwaasi oo ilaa hadda aanaan garaneyn, kuna qanacsanayn ujeeddada loo samaysanayo…” ayuu yidhi.

???????????????????????????????

Cali Gurey, oo ka mid ahaa mujaahidiintii qaybta laxaad leh ka qaatey dib u xoreyntii dalka isla-markaana aqoon ahaan gaadhsiisan shahaadada Master Degree, ayaan hore loogu aqoonin ka hadalka siraha ciidanka Somaliland iyo liididda dedaallada lagu horumarinayo ciidamada dalka.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.