CAJIIB: Dilkii Loo Gaystay Labo Wiil Oo Madaw Ah Waxaa Loola Dan Lahaa Obama

(SLT-Florida)-Greil Marcus oo ah nin si weyn caan uga ah dalka Maraykanka oo ka faalooda arimaha la xidhiidha dhaqanka iyo Muusiga ayaa sheegay in dilkii lagula kacay Trayvon Martin oo ku noolaa Florida iyo Michael Brown oo isaguna ku noolaa Missouri, labadan dhalinyarada ah oo madaw ahaa ayaa waxaa toogasho ku dilay askar ka tirsan booliska Maraykanka oo cadaan ah.

Marcus waxa uu sheegay in dilka Labadan dhalinyarada ah ay muujineyso in ay cunsuriyada iyo nacaybka ka dhanka ah dadka madow ee dalka Maraykanku ay weli taagantahay, waxa uu sheegay in tani ay weliba ku soo beegantay iyada oo uu talada dalka hayo madaxweyne Barack Obama oo isagu asalkiisa madow ah.

w

 

Waxa uu sheegay in arrintan ay muujineyso in dilalkan dhacay la doonayay in lagaga  cadheysiiyo madaxweynaha xilka haya ee Maraykanka oo isaga asalkiisu madow ah, laakiin jawaabta uu madaxweynuhu ka bixiyay dilalkan ayaa iyadu ahayd mid macquul ah isaga oo sheegay in ay arintani tahay mid u taala xeerilaalinta qaranka ee Maraykanka.

Waxa uu Marcus oo wax ka dhiga Jaamacada California uu sheegay in dilalkan lagula kacay dhalinyaradan madowga ah ee ay ka danbeeyeen saraakiisha cadaanka ah ay ahaayeen kuwo gebi ahaanba lagu baabi’nayo sharafta madaxweyne Barack Obama oo ah madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee soo mara dalka Maraykanka tan iyo markii dalkaasi la aasaasay.

Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday