“Aniga Oo Ku Hadlaya Afka Muwaadiniinta Dalka Madaxweyne Ha Aqbalin Deyn Xad Dhaaf Ah In Lagugu Wareejiyo” Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Dhawaan ayaa la filayaa inay laba xukuumadood oo ka wada dhashay xisbiga KULMIYE ay la kala wareegaan talada dalka Somaliland.


Hadaba waxaa muddooyinkii u dambeeyey soo noq-noqonayay in xukuumadda sii tegaysaa ay wareejiso dayn xad dhaaf ah taasoo inteeda ugu badani ay bilaa tixraac tahay, waxaanay arrintaasi keentaa had iyo jeer in xukuumadda cusub uu fuulo culays maaliyadeed oo la xidhiidha bixinta dayntaas, waxaanay arrintaasi noqotay mid caado ah wakhtiyadii u dambeeyey.
Hadaba wararka ka soo baxaya xukuumaddan KULMIYE ee hadda talada ka sii degaysa ayaa sheegaya in dayn kor u dhaafaysa 30 Milyan oo dollar ay ku wareejinayso xukuumadda Muuse Biixi ee iyaduna KULMIYE uun ka dhalatay.
Warka la xidhiidha dayntan oo laga soo xigtay shakhsiyaad u dhuun daloola xukuumadda hase ahaatee aan rasmi ahayn ayaa la is waydiinayaa sida uu Madaxwaynaha la doortay ee Muuse Biixi uga jawaabi doono, waxa kale oo iyaduna xiiso leh in warku intaas ku daray in dayntan ay ku jirto daymo bilaa tixraac ah, taasoo ay qaateen hay’ado xukuumadda ka tirsan, waxa kale oo iyaduna jirta kharaashaad aad u badan oo ay soo dalacdeen qaar ka mid ah macdaarada baabuurtu.

Sida caadiga ah waxa dayn qaadan kara wasiirka maaliyadda, bangiga dhexe iyo madaxwaynaha waxaana taas lafteeda muhiim ah in dayntu qeexan tahay cadad ahaan, sababta loo daynsaday iyo halka loo isticmaalay, hase yeeshee inta badan wasiirka maaliyadda ayaa ku shaqo leh qaadashada deynta, keliyana waxay deyn iman kartaa haddii dakhliga dawladda soo galayaa uu ka yaraado kharashaadka ka baxaya.
Geesta kale Jamaal Cali Xuseen oo ah dhaqaale yahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo cilmiga xisaabaadka, sidoo kalena hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa madaxwaynaha cusub kula taliyey inaanu aqbalin dayn kasta oo aan tixraac lahayn isla markaana aanay wasiirka maaliyadda iyo madaxwaynaha midkoodna wareejin, waxa uu xusay in dhaqan xumada siyaasadda Somaliland ay ka mid tahay wareejinta deymo aan tixraac lahayn, isla markaana ay deymo wareejiyaan wasiirro aan looba ogolayn inay deyn qaataan, qoraal uu arrinkaas kaga hadlayay ayaa ku sheegay inuu madaxwaynaha u soo jeedinayo:
“in aanu madaxweynahu aqbalin deyn xad dhaaf ah oo uu la wareego sidii ay caadada u ahayd dhaqan xumadda siyaasadeed ee Somaliland ee ninkastoo madaxtinimo ka degayaaba uu qasnadda dawlada sii faaruqiyo.
Sharciga dalkan iyo Dastuurka toona meelna kagama taallo in Wasiir uu deyn qaran uu qaadan karo, Waxay Ila tahay Wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha Oo keliya ayuunbaa qaadan kara deyn kolka ay kala yaraadan lacagtii canshuurta loo soo ururinaayey iyo kharashaadkii dawladu. Markaa mudane Madaxweyne la doortay anigoo afka muwaadiniinta dalka ku hadlaaya dhabarka haw raran culays mustaqbal iyo deyn aan meelna haysan.
Wasiiradda Maaliyadda ayuunba deyn wixii address leh kaala hadli karta laakiin dhamaan wasaaradaha kale ee dalku waa inay bilaa deyn xilalkooda ku wareejiyaan kolka lagu dhaariyo ka dib inshallah.
Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doonta wado halaqeed”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday