Cabsida Laga Qabo in Donal Trump Oo Ka Baxo Heshiiska Iran

(SLT-Washington)-Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa wadatashi la lahaa dhiggiisa reer Yurub iyo Shiinaha ka hor inta aanay soo bixin warbixin laga filayo madaxweyne Trump oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in Tillerson madaxdaa uu la kulmay talo wadaag ula tagay oo uu soo jeedintoodana dhegaysanayo.

In this March 31, 2017, photo, President Donald Trump listens during a meeting with the National Association of Manufacturers in the Roosevelt Room of the White House in Washington. Slim majorities of Americans favor independent investigations into Trump’s relationship with the Russian government and possible attempts by Russia to influence last year’s election according to a new poll by The Associated Press-NORC Center for Public Affairs Research. (AP Photo/Evan Vucci)

Waxa jira walaac mug leh oo ay xulufada Washington qabaan kaas oo ah in ay Trump odhan karo in aanu diyaarba u hayn in la meel mariyo heshiiskaas oo Iran ku aqbashay in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadana cunaqabataynta saaran badhkeed laga qaado.

Trump, ayaa se heshiiskaa ku tilmaamay mid ba’an oo xun, laakiin xulufadiisa iyo xubno ka tirsan maamulkiisu waxay sheegeen in ay Iran dhinaceeda ka fulisay heshiiskaa, waxaany isna ku boorinayeen in uu arinkaa uu damacsanyahay ka fiirsado.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office