Cabista Shaaha Oo Dawo U Noqon Karta Xanuuno Halis Ah Oo Uu Kansarku Ka Mid Yahay

(SLT-London)Hore  waxa loo ogaa in waxyaabaha duxda ay  ku yar tahay ay dhiigga jidhka qulqula u samaxaan inuu si fiican u socda, isla markaana qofku ka badbaado inuu wadno xannuun ku dhaco, waxa hadda khubaro u dhalatay Singapore sheegeen in shaaha cagaaran loo isticmaali karo daawo cusub oo lagaga hortago cudurka kansarka.

Benefits-of-tea-3

Kiimikooyinka khudarada qaar laga helo ee booratiin ka kooban, ayaa la ogaaday in cudurkan ay la dagaalami karaan sida lagu iftiimiyey cilmi-baadhis uu sameeyey mac-hadka Institute of Bioengineering and Nanotechnology oo ku yaal dalka Singapore. Shaaha cagaran waxa ku jira kiimiko loo yaqaan Catecins, taasoo ka masuul noqota in shaaha caafimaadd laga helo, kana hortagi karta

Dr. Joo Eun Chung iyo saaxiibadiisa daraasadan sameeyey waxay soo bandhigeen booratiin lagu magacaabo Herceptin, kaasoo ka hortagi kara kansarka, waxaanay sheegeen inuu si toos ah u weeraro halka kansarku ka samaysmaayo, taasina ay hormood u noqon karto daawo faa’iido badan oo xannuunkan lagula dagaalami karo.

“Marka la samaynayo daawo, waxa muhiim ah in xaddiga macquullka ah la ogaadyo, sababtoo ah haddii qofku xaddiga loo baahan yahay in ka baddan isticmaalo waxxay sababi karta khatar badan, sidaa darteed waxaannu ku tijaabinaysa daawadan jiir,” ayuu yidhi Dr, Joo.

Cilmi-baadhayashu waxay kiimikooyinka iyo booratiinka ay ka shaacibixiyeen shaaha ku tijaabiyeen jiir, kadibna waxxay ogaadeen in daawadoodu si toos ah u bartilmaameedsanayso halka kansarku ka bilaabmo, kadibna ka hortagayso inuu koro amma uu dhiigga raaco, iyagoo sheegay in taasi albaabka u furi karto in shaaha cagaaran laga sameeyo amma uu hormood u noqdo daawo kansarka lagula dagaalamo.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.