Cabdiraxmaan Cirro Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyey Dhacdooyin Foolxun Oo Somaliland Soo Maray iyo Taariikho Mugdi Leh Oo Uu Sheegay Inay Muuse U Sugnaadeen

“Miyaad Illawday Inaad Jid-gooyo U Gashay Madaxwaynaha Hadda Ku Dhisaya, Miyaad Illawday In Laguu Haysto Dilka Saraakiil SNM Ah?” Murashax Cirro
Hargeysa (Somalilandtoday)-Murashaxa madaxwaynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa eedo culus ujeediyey dhigiisa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa Muuse Biixi ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa dhacdooyin foolxun oo taariikhda Somaliland galay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen siduu sheegay dil saraakiil SNM ah, isku day dil oo madaxwayne Siilaanyo uu Muuse u gaystay iyo arrimo kale.
Murashac Cirro ayaa hadalkan kaga jawaabay eedo uga yimi Muuse Biixi kuwasoo uu Guddoomiyuhu ku sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya, hase yeeshee Cirro oo arrimahaas beeniyey ayaa soo faqay taariikho mugdi leh oo sida uu sheegay u sugnaaday Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Cirro oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi:



“Qofku wuxu ku guulaystaa ama ku guul daraystaa waa taariikhdiisa, markaa waxaan leeyahay Xamar yaynaan waxba ku meeraysan nin walba taariikhdiisa waa la yaqaana, bal hadaba aan xasuusiyo Muuse ereyo kooban. saaxiibkay Muuse waxaan leeyahay miyaad ilawday inaad madaxwyanaha hadda ku dhisay ee kooto kuugu xidhay inaad musharax noqoto ee kooto kuugu xidhay inaad guddoomiyaha noqoto, inaad jidgooyo u gashay oo aad la beegsatay dil Siilaanyo miyaad illawday? Miyaad illawday in laguu haysto oo aad ku suntan tahay dilka halgamayaal badan oo SNM ah? Miyaad illawday 1994 inaad ducadii iska diiday oo aad dagaal sokeeyey riday? miyaad illawday in inkabadan laba kun oo inan oo dagaalkaas ku dhintay inay Burco ku aasan yihiin miyaad illawday? Miyaad illawday inaad Madaxwayne Cigaal xafiiska ugu gashay ood ugu hanjabtay gidaarkaas rasaasta ku taalla madaxwaynihii kaa horeeyey ayaan ku riday Cabdiraxmaan Axmed Cali?”.

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “waxaan ku darayaa intaas tuduc ka mid ah gabayadii gaarriye oo odhanaya (haddii aan guga kuu kordhaa gabaw mooyee ku tarin, garaad iyo waayo-arag, illayn wax ma dhaantid geed), waxaan leeyahay Muuse mujaahidiinta aad xabaasha ka soo toosisay iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ka doorbidayaan inay aakhiro iska joogaan, inay maqlaan Muuse Biixi ayaa Murashax madaxwayne u ah Somaliland”.

Xigasho: Somalilandtoday