Cabashada Rer Awdal Ee Saamiga Wakiiladu Ma Garbaa Mise….? Q/3-aad: Doorashooyinkii Dalka Ka Dhacay 2002 Ilaa 2012.

(SLT-Hargaysa)Haddii walaaleheenna Awdal ay ka cabanayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaannu tiro badan ku codaynnay sidaa darteed waxbaa naga maqane ha nala siiyo oo taasi ay caddaato waxaan u arkaa inay gar noqonayso meel laga maraana aanay jirin, haddii kalese waa aragti kale, taana ila eega.

image

AFEEF: Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa lagu galay diwaan gelin la’aan marka laga reebo doorashdii 2010-kii waana doorashada la odhan karo haddii doorsho la raad raaaco loo baahan yahay iyadaa ugu dhow, Awdalna waxa ka codeeyey 81,338.sidaa darteed diiwaan gelintaa cid wax iskala hadhay may jirin, gobol walibana wuxuu doonayey inuuTirada ugu badan soo saaro, taasna reer awdal dadka ayay kala mid ahaayeen waa gobolka 65,000-114,000 inta u dhaxaysa marba si looga codaynayey, gobollada kalena waa la mid , waxanse iyaga carrabka ugu adkaynayaa ama tusaaalaha ugu soo qaadanayaa waa gobolka cabashadiisu taaganta tahay ama soo noq-noqoto.

Doorashooyinkiina waa kuwane bal hadda eega:

DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2002

GOBOLKA

CODADKA

%

Maroodi-jeex

186,383

42%

Awdal

100,495

23%

Saaxil

27,234

6%

Togdheer

66,598

15%

Sanaag

53,096

12%

Sool

6,261

2%

Wadadrta guud ee dalka

440,067

100%

Tani waa doorashadii golayaasha deegaanka 2002 ee dalka ka dhacday, doorashadani kama wada dhicin dalka masalan Gobolka Sool waxay ka dhacday Degmada Caynabaoo keliya kama dhicin Degmooyinka L/caanood, Xuddun iyo Taleex sidaa darteed codka gobolka u qorani maaha kii gobolka ee waa degmo ka mid ah oo keliya.

Sidoo kale kama dhicin golka sanaag degmooyinka Badhan, Dhahar, Laasqoray iyoqayb ka mid ah Ceerigaabo oo ahqaybta Koonfureed, waxa la mid ah gobolka Togdheer gaar ahaan  Degmada Buuhoodle.. Arrintaa Haddii aan caddeeyo waxaan uga jeedaa Sool, Sanaag iyo Togdheer midnaba lagama codayn deegaammada Hartigu dego  sidaa darteed codadkii gobolladaasi malaha ku xisaabtan sax ah.

DOORASHADII MADAXTOOYADA 2003

GOBOLKA

CODADKA

%

Maroodi-jeex

208,864

43%

Awdal

65,934

13%

Saaxil

30,537

6%

Togdheer

115,064

24%

Sanaag

57,938

12%

Sool

9,702

2%

Wadadrta guud ee dalka

488,039

100%

Tani waa doorashadii madaxtooyada 2003.

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

DOORASHADII GOLAHA WAKIILLADA 2005

GOBOLKA

CODADKA

%

Maroodi-jeex

253,229

38%

Awdal

133,026

20%

Saaxil

52,479

8%

Togdheer

121,751

18%

Sanaag

89,286

13%

Sool

20,557

3%

Wadadrta guud ee dalka

670,328

100%

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

DOORASHADII MADAXTOOYADA 2010

GOBOLKA

CODADKA

%

Maroodi-jeex

236,651

44%

Awdal

81,338

15%

Saaxil

29,211

6%

Togdheer

111,653

21%

Sanaag

58,515

11%

Sool

20,878

4%

Wadadrta guud ee dalka

538,246

100%

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2012

 

GOBOLKA

CODADKA

%

1

Maroodi-jeex

314,663

39%

2

Awdal

114,459

14%

3

Saaxil

57,251

7%

4

Togdheer

160,460

20%

5

Sanaag

114,642

14%

6

Sool

49,383

6%

 

Wadadrta guud ee dalka

810,858

100%

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

Intaa markaan kaga gudbo shaxda doorashooyinkii dalka ka dhacay cid waliba way arkaysaa garaafka gobollda kor u kaca iyo hoos u dhaca joogtada ah ee mid walba ku jira.

Fiiro Gaar ah:aan isu eegoGobolkaTogdheer oo Degmada Buuhoodle qayb ka mid ahi ka maqan tahay iyo GobolkaAwdal, waxaynnu arkaynnaa in saddex doorasho gobolka Togdheer ka sarreeyo Gobolka Awdal halka laba doorashana uu Gobolka Awdal sarreeyo, sidoo kale waxaad arkaysaa gobolka sanaag oo hal doorasho ka sarreeya Gobolka Awdal iyadoo aynnu xusuusannahay in Gobolka 50% aanay doorashooyinku ka dhicin, codadkoodiina halkan ka maqan yihiin.

WADARTA GUUD EE DALKA SHANTII DOORASHO

1

SANNADKA DOORASHADA

TIRADA GUUD EE DALKA

1

2002

440,067

2

2003

488,039

3

2005

670,328

4

2010

538,246

5

2012

810,858

 

Wadadrta guud ee dalka

2,947,538

Tani waa isugeynta guud ee shantii doorasho ee dalka ka dhacay iyo gobol waliba inta uu ku leeyahay.

WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU LEEYAHAY SHANTII DOORASHO

GOBOLKA

CODADKA 5-tii DOORASHO

%

TIRADA XIL.

1

Maroodi-jeex

1,199,790

41%

33

2

Awdal

495,252

17%

14

3

Saaxil

196,712

7%

6

4

Togdheer

575,526

20%

16

5

Sanaag

373,477

13%

10

6

Sool

106,781

4%

3

 

Wadadrta guud ee dalka

2,947,538

100%

82

Qaybta noocan ah oo malahayga noqon lahayd ta reer Awdal ku qanci lahaayeen, waa mid aan la qaadan Karin,  waayoTirada faraha badan ee gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal ka muuqataa waa tirada ka maqan gobollada Sanaag, sool iyo qayb Togdheer ka mid ah, sidaa darteed maaha mid la qaadan karo.

Haddaba xildhibaannada gobolka Awdal waxa dooddoodii ka mid ahayd waxannu nahay gobolka labaad ee xagga tirada dadka ugu badan Gobollada Somaliland,taasi waa sheegasho aan waxba ka jirin sida shaxahani caddaynayaan, waxa dhab ah in gobolka Maroodi jeex uu yahay gobolka Somaliland ugu dadka badan taasna muran kama taagana waxana caddaynaya tirada ka codaynaysey ilaa 1960 oo mar walba waxa uu noqonayeey gobolka ugu dadka badan Somaliland, Gobolka Togdheerana Gobolka labaad.

Hase yeeshee sheegashada Gobolka Awdal ee inuu yahay Goblka labaad waa mid aan marnaba caddayn loo hayn, marka la eego 1960 Berbera ayaa ka cod badnayd, marka la eego doorashooyinka 2002-2012 dhacayna waxa ka horreeya gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer sidoo kale diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 wax ka horreeyey Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag, aragti ahaan waxan aaminsanahay in gobolka Awdal uu yahay Gobolka Afraad xagga tirada dadka, waxana ka horreeya Goboolada maroodi jeex, Togdheer iyo Sanaag marka lagu daro 50% aan ka codayn gobolkaa.

 

CADDAYNTA ARRINTAAS

 

Tirada goobaha codaynta dalka oo ah 1146iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen

Gobolka

Goobaha Codaynta

Inta Laga Codeeyey

Inta Aan Laga Codayn

Maroodi Jeex

337

337

 

Awdal

153

153

 

Saaxil

90

90

 

Togdheer

208

196

12

Sanaag

210

138

72 + L/Qoray

Sool

148

33

115 + Taleex

 

Shaxadani waa goobihii loogu talo galay in laga codeeyo, waxaana laga arkayaa inaan laga codayn 199 goobood oo ka mid ah taas oo u dhiganta 17% tirada guud ee goobaha.

Goobahan aan laga codayn waxa ka maqan laba degmo oo kala ah Degmooyinka Laas-qoray iyo Taleex oo aan iyaga wax goobo ahba loo samayn, haddii aan ka soo qaado in ay lahaan lahaayeen goobo doorasho, goobaha aan laga codayni intan way ka badan lahaayeen, tirada codeeyayaasha ee Sanaag iyo Sool iyaguna intan way ka badnaan lahaayeen, bal aan uga qiyaas qaato degmooyinka la midka ah tirada  goobaha sida Dhahar, Badhan iyo Xuddun oo ah midkiiba 25 goobood shaxdu waxay u dhigmi lahayd sidan:

 

Tirada goobaha codaynta dalka oo noqon lahayd 1196iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen

Gobolka

Goobaha Codaynta

Inta Laga Codeeyey

Inta Aan Laga Codayn

Maroodi Jeex

337

337

Awdal

153

153

Saaxil

90

90

Togdheer

208

196

12

Sanaag

235

138

97

Sool

148

33

140

TOTAL

 

 

249

Waxaanay u dhigmi lahayd tirada guud ee goobaha codaynta dalka 21%,tirada goobaha aan laga codayni waxa ay ka badan tahay tirada goobaha laga codeeyey ee gobollada Awdal iyo Saaxil oo laysku daray, miyaan la odhan Karin dadka ka codayn lahaan waxa uu ka badan lahaa dadka ka codeeyey labadaa Gobol, waa la odhan karaa, laakiin waxa ku jiri kara ka badbadin iyo ku talax tag, hase yeeshee haddii lagu adkaysto taas lafteeda lama helayo wax laysku hortaago ama lagu beeniyo, waayo waxa muranku ka taagan yahay oo dhan ayaa ah sheegasho, iyadoo la helo diiwaan gelin iyo tiro koob sax ah mid uun ayaana lagu kala bixi lahaa, taasina way adagtahay.

Waxase muuqata oo aan la dafiri Karin inay ku maqan yihiin tiro badan oo ay labadaas gobol ku noqon lahaayeen xagga tirada gobollada dalka lambarrada Saddexaad iyo afraad.

Waxanse ku qanacsanahay in Gobolka Awdal uu yahay Gobolka afraad Xagga tirada dadka waxaana ka horreeya oo aanu muran ka taagnayn aragtidayda iyo baadhistayda Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag.

Aan ka soo qaado in halkii goob doorashaba oo goobaha aan laga codayn ah ay ka codayn lahaayeen ugu yaraan 400 oo qof sow noqon mayso sida 249 x 300 = 375,500 oo cod.

Haddii aynnu shaxdaa raacno waxa is beddelaya boqolleyda gobolladu ka helayaan 82-ka xildhibaan,

Aynnu eegno oo aynnu ku darno natiijada guud ee dalka shanti doorasho marka laysku daro oo aynnu ku darno 249-ka goobood oo midkiiba aynnu ka soo qaadno inay ka codeeyeen doorashadiiba 300 oo qof

249x300x5= 375,500 cod.

Waxa is beddelaya codadkii goboolada Togdheer, sanaag iyo Sool, ssdii kale waxa is beddelaya tiradii xildhibaannada gobollada oo noqonaya sidan:

WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU YEELANAYO 5-tii  DOORASHO HADDII SHAXDAN LA RAACO

GOBOLKA

CODADKA 5-tii DOORASHO

%

TIRADA XIL.

1

Maroodi-jeex

1,199,790

36%

29

2

Awdal

495,252

15%

12

3

Saaxil

196,712

6%

5

4

Togdheer

593,526

18%

15

5

Sanaag

518,977

16%

13

6

Sool

316,781

9%

8

 

Wadadrta guud ee dalka

3,323,038

100%

82

FIIRO GAAR AH: Gobollada Maroodi jeex iyo Togdheer waxa mid walba dheer 0.6 oo noqonaya hal xildhibaan, sidaa darteed waxan ku daray gobolka Togdheer maadaama ay sidaa hore u ahayd, goobaha ka maqanna aan si dhab ah loo garanayn waxay noqon lahaayeen 15.

 

 

 

GEBO-GEBADA FALANQAYNTA.

 

  1. Waxa ii soo baxday in aan wax saami ahi kaga maqanayn reer Awdal saami qaybsigii 1960-kii

  2. Waxa ii soo baxday in doorashadii 2005-tii reer Awdal wax loogu daray, gobollana wax laga jaray, taas oo aan ahayn xaq weliba maaxweynaha waqtigaa joogey waxa uu ka soo jeedey gobolka Awdal

  3. Waxa iisoo baxday in reer Awdal dhawr jeer cabashadoodii wax lagu siiyey gar ha haato ama yay ahaane taas oo aan u arkayey markaan sidanoo kale u baadhay in aan waxba ka maqnayan

  4. Wax ii soo baxday in dhammaan gobollada reer somaliland wada cabanayaan una baahan yihiin korodhsiimo.

  5. Waxa ii soo baxaday in haddii reer Awdal tiradoodu korodhay gobollada kale sidaa iyo si ka badan u kordheen.

  6. Waxa ii caddaatay in gobolka Awdal yahay Gobolka Afraad xagga tirada dadka.

  7. Waxa caddaatay in aan Gobolka Awdal wax ka maqani jirin, dhinac allaale iyo dhinicii aad ka eegtoba ama aad u raacdaba, waxaanay sinaba u dhaafayn 12 xildhibaan, inay ka yaraato mooyaane kama badan karto, laakiin gobollada wax ka maqan yihiin ay yihiin goboollada Maroodi jeex iyo Sanaag waa haddii la raaco mala awaalka goobaha maqan, oo aan ka soo qaaday inay ka codeeyeen tirada ugu yar maadaama goobta la geeyo ugu yaraan 800 oo waraaq cod-bixineed waxan ka dhogay in 300 ka codayse 500 oo waraaqoodna la soo celiyey, haddiise ay soo baxdo tiro intaa ka badani waxa is beddelaya dhammaan saamiyada Gobollda oo hoos u dhac ku imanaya gaar ahaan gobollda Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer

Waxa Diyaariyey

C/Kariim Axmed Maxamed Xinnif

063424009/0659240009

xinnif04@hotmail.com