Caasimadda Somaliland Oo Ku Jirta Cadaalad Daradii Xamar Ku Duntay, Madaxdii Iyo Fulintii Ururka SOLJA Oo Cid Gaar Ahi Isku Koobtay & Afduubka Ururadii Bulshada

(SLT-Hargaysa) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo shalay shirweynihiisi qabsoomay ayay ka soo baxeen arrimo fajac ku noqday ummadda Somaliland iyo bahda saxaafadda, kadib markii cadaalad darro halkii ugu danbaysay laysku raacay. Ururku wuxuu ku abtirsadaa Somaliland hadana waxa dhammaan madaxdiisi wada qaatay Gobolka Maroodi-jeex iyo Awdal.

Gobolada Togdheer oo ay ku taalo caasimadii labaad ee Dalku iyo Sool ayaa laga qadiyay xitaa in hal xubin la siiyo, halka Maroodi-jeex Gobolka Hargaysa uu qaatay 12-xubnood oo kamid ah 15-xubnood ee Fulinta iyo Guddoomiyhii ururka.  Gobolada Sool, Togdheer Iyo Sanaag waxay Soljada u qoondaysay hal xubin oo Gobolka Sanaag ka soo jeeda inay saami u helaan.

Shirweynihii Solja wuxuu daaha ka fayday heerka ay gaadhsiisan tahay cadaaladda Caasimadda Somaliland ee Hargaysa taala. Guddoomiyaha la doortay Maxamuud Xuuto marka isaga laga reebo 4-xubnood oo kale oo qoyskiisa ah ayuu ku daray fulinta ururka, halka booskiisana aan lagu tartamin oo uu kali ku aha. Waxaana dhammaan qorshaha lagu qadiyay saxaafadii Gobolada Bari soo maleegay Mustafe Sacad Dhinbiil oo ah Guddoomiyaha Dallada SONSAF.

Dhammaan madaxda ururada bulshada Somaliland waxay ka soo jeedaan Gobolka Hargaysa gaar ahaan waqooyiga Hargaysa, sida Dallada dhalinyaradda SONYO, dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Dallada ururada haweenka ee NAGAAD, hay’adda HAVAYOCO, ururkii Saxaafadda Somaliland ee SOLJA madaxdiisi iyo fulintiiba intii badnayd.  Shacbiga Gobolada Bari ayaa is waydiinaya Somaliland ma Hargaysa oo qudhaa miyaan waddan kale jirin..?  . Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa ah in marka laga hadlo arrimahan amma saxaafadda qaarkood qoraan waxay ku tirabayaan haldoorka Hargaysa weedho ay kamid yihiin.”Si qaran u feker qabyaalada ha la joojiyo IWM”.

Guntii iyo gebo gebadii Hargaysa cadaaladeedu waxay maraysa halkii Xamar ku duntay markii ay wax kasta iyadoo isku koobtay ee Goboladii Jamhuuriyadda Somalia intoodi kalena soo uruureen..

Somalilamdtoday/Burco/Office

Email: contact@somalilandtoday.com