Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Naqdiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa si weyn u naqdiyay hadal ka soo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.


Waxa uu xusay in hadaladaasi ay ahayeen kuwo lagu kala qaybinayo shacabka Somaliland isla markaana aan wakhtigan loo baahnayn.
“Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Marka hore isaga oo aad u faraxsan waxa uu u mahad celiyay beesha Bariga Burco, waxaanu ku tilmaamay in ay abaalkii celiyeen ama ay hagbadii iska soo bixiyeen.
Suldaanka waxa aad u cajiib badnayd oo hadaladiisa ku jirtay oo uu soo qaatay nin haybtiisu ay tahay ama ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco, waxaanu suldaanku dhawr ku celiyay oo yidhi ninkaas waxa aan ku idhi abti, dabadeedna waxa uu markaas Suldaanku uu yidhi maalintii danbe ayuu inanku igu yidhi, Xageed abtisanaysaa, aniga waxa I dhashay beesha Bariga Burco’e.
Laakiin suldaanku waxa uu inankii ugu Jawaabay, Mayee waxa ku dhashay jeegaanta” ayuu yidhi Chief Caaqil Rashiid Jaambiir oo dabo socday hadal uu suldaan Xasan jeediyay.
Waxa uu intaasi ku daray “Hadalada Caynkaas ee uu suldaanku ku hadlay anigu waxa aan u arkaa kala qaybsanaan, hadii aan in yar dib ugu noqdana suldaanku waa nin reer Hargeysa ah.
Arrimaha Caynkaas ahi waxa ay muujinaysaa nac iyo kala faquuq, wxaanay ahayd ahayd in ay ku eekaato wakhtigii doorashadda” ayuu yidhi