Golaha Deegaanka Hargaysa Oo Ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 8 – aad & Xildhibaano Buuq Ku Abuuray.

(SLT-Hargeysa) – Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa maanta yeeshay kalfadhigoodii 8-aad, waxayna kaga doodeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen doorka ay ku leeyihiin diwaangelinta Madaniga ah, dakhli soo saarka dawladda hoose iyo Miisaaniyad-sanadeedka soo socda.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayey Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka soo xaadirey 19 xildhibaan oo mid ah 25 Mudane ee Golaha deegaanka Hargeysa, waxaana dood iyo fallan-qeyn ka dib cod loo qaaday fulinta qodobbadaasi oo uu ugu8 mudnaa dakhli soo saarka oo ay sheegeen in la doonayo in la dardar geliyo, maadaama bay yidhaahdeen in cashuurtii dadweynuhu boqolkiiba koton maqan tahay.

Laakiin, intii hawshaasi socotay ayaa waxa ka dhashay buuq ay bilaabeen xildhibaannada qaarkood, sida Xildhibaan Cismaan Waxar iyo xildhibaan Dogox, kuwaasi oo soo jeediyay in isku bedal lagu sameeyo wakiilada dawladda hoose ee degmooyinka Caasimadda, taasi oo uu Maayarku ka dhago adeygay.

Maayarka oo arrintaasi ka aamusay, ayaa keentay buuq sababay in xildhibaannada qaarkood dibadda uga baxaan fadhigii Golaha deegaanka, laakiin Maayar Soltelko oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaannadaasi aanay fahamsanayn shaqada ay dadweynaha u hayaan “Xildhibaannadu waxayna fahmin qodobbada (Laga doodayo)…” ayuu yidhi, Maayarka Hargeysa.

Golaha Deegaanka

Maayarka Hargeysa, ayaa maanta adeegsaday awood aan hore looga baran, waxaanu xildhibaannadii buuqa sameeyay ka ogolaaday inay fadhiga ka baxaan, si hawshu u sii socon.