Buugga Danjire Cawil Cali Ducaale ee Raad-raaca Taariikh Somaliyeed.

Falanqayn kooban
Buugga Danjire Cawil Cali Ducaale ee Raad-raaca Taariikh Somaliyeed.

Buuggan oo ay daabacday shirkadda Sagaljet bishii 7aad ee sannadkan 2016ka wuxu ka kooban yahay 450 bog iyo 9 cutub, qoraaguna wuxuu u bixiyey RAAD-RAACA TAARIIKH SOMALIYEED; oo uu kasoo bilaabayo intii uu garaadsaday (ardaynimadiisii) illaa cimrigiisa maanta. Qoraagu si qodobaysan oo farshaxannimo ku jirto ayuu sawir buuxa uga bixinayaa xaaladdii geyiga Somaliyeed ee xilligii hana-qaadkiisa iyo gebi dhaclayntii ummada Somaliyeed ee illaa maanta.

Qoraaga oo ah hayin iyo ruug caddaa soo shaqeeyey ummadda Somaliyeed, ahna taariikh dhaadhi ay maalmuhu u kala suntanyihiin ayaa sida uu  sheekooyinka iyo dhacdo tebinta u xardhay kaa saxeexaysaa inaad shaaha illawdo, xilli danbena adoo keligaa isla mashquulsan aad is aragto; siiba waxaan dareemayaa in da’dayadan dhexe uu macno iyo xadanto gaara u samaynaayo.

00000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Waxaan aad u jeclaystay  xiiso iyo laxan gaarana ii sameeyey labo qormo oo qoraagu si mugleh ugu xardhay buuga. Qormada hore waa sawirka uu qoraagu ka bixiyey xaaladdii Somalidu ku sugneyd xilligii isu diyaarinta xornimadii laga qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga; siiba dhinaca jawiga siyaasiga ahaa iyo hab fekerkii madaxdii ama siyaasiyiintii xilligaa ee labada dhinacba. Qoraagu wuxuu si farshaxannimo ah u sawiray lahmadii shacabka iyo is qanjiidhintii siyaasiyiinta ee xilligaa. Qormadaasi waxay isugu kay xidhay sheekooyin teel-teel igu ahaa oo aan ku bawsaday in Somalidu ku ababtay siyaasadda qabyaaladaysan.

Sawirka labaad ee aan aadka u xiiseeyey waxaa weeye qormada ka waramaysa israacii labadii Somaliyeed ee kala ahaa Maxmiyadii Somaliland iyo Somalidii talyaanigu gumaysanaayay oo ahaa jibbo iyo caashaq dhinac ka rarnaa, siyaasiyiintii Somaliland oo rabtay inay si miidaamo ah ula midoobaan Somalidaa Talyaanigu gumaysanjirey oo maalintaas uun waagu u beryey, iyo siyaasiyiintaa Somalida Talyaaniga oo si dhab ah u fahansanaa dhibaatada israaca oo weliba si aan leex-leexad lahayn uga liqinyoonday arrinka israaca, waxaanay ugu hal celiyeen “ha nala midoobina, labo qaawani isma qaadee, halkiina ku negaada, dawladdiina adkaysta, dalkiina dhista, dad iyo dawlado walaalo ah oo iska war haya aynu noqono” markay soo jeedintaa qoladii Somaliland ka socotay indhaha ka qabsadeena waxay ugu laab qaboojiyeen “aynnu sannad kala maqnaano; wixii sannadkaa ka danbeeyana aynu israaca ka wada hadalno” iyo yeeli maynno. Maantana cidi idiinka sheekayn mayso siday arrimuhu u kala rogan yihiin. Waxaa jirtey maah maah Somalidu dhalinyarada ku waanin jirtey oo qaddiyadan ku dhabawday  “dhubuq dhubuq hore; dhabanna hays danbay leedahay”.

Dhacdooyinka buugu ka waramayaa kuma koobna oo keliya somalida balse in ka badan 100 bog wuxuu qoraagu si goob-joognimo u badan ku qaadaa dhigayaa xaaladihii siyaasiga ahaa ee wadamada bariga Afrika sida Uganda oo uu si gaara isu dul taagaayo Madaxweynihii hore ee la odhanjirey Idi Amin, Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo wadamo kale oo qoraagu si toosa ama si dadban ugasoo shaqeeyey. Waana dhacdooyin dhaxal gal ah oo laga saadaalin karo biqliddii iyo hana qaadkii wadamada qaaradda gumaystihii ka dib iyo sida ay tuura tuuraha u leedahay hogaminta iyo aragti socodka qaaraddu; oo la odhan karo weligeed 10 hogaamiye oo isku aragti ah may u hana qaadin; waana ta geyeysiisay inay qaaradaha kale aad uga danbayso.

Qoraaga oo la ogyahay inuu khibrad durugusan u leeyahay hab qoraalka siiba luuqadda Ingiriisida ayaa buugani noqonayaa kiisii ugu horeeyey ee uu luuqada Somaliga ku qoro, waxaana kaaga muuqanaaya in meelo baddan ay koobantahay erey xulashadeedu; meelo aad u badanna uu ku jiro khaladaad dhinaca daabacaada ama erey qoraalka ah oo aan calaamadiyey nuqulkii aan akhriyey; meelo koobanna waxaa jira laaxin dhinaca naxwaha ah. Sidaa daraadeed waxaan qoraaga kula talin lahaa inuu hore u soo saaro daabacaada labaad ee buugga isagoo tixgelinaaya falcelinada lagasoo jeediyey daabacaadda kowaad.

Akhrisyataasha buuga siiba dhallinyarada imika ku ababaysa taariikhda oo ah shayga laga dhex hilaadiyo nolosha iyo horumarka ummada, waxaan kula talin lahaa inay buugan akhriyaan si ay feker uga helaan geedigii ummadan Somaliyeed ee maanta jirta; si ay bino ugu noqoto   yagleelidda nolol cusub iyo Somali cusub oo dhexdooda iyo aduunyada kaleba sharaf iyo horumar kula nool, quruumaha aduunyada muuqaal qurxoon oo la ixtiraamo ku leh.

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com