Burco:Jaamacada Addis University Oo Xaflad Sagootin ah Uqabatay Caawa Ardaydii Ka Qalinjabisay Jaamacada+sawiro

(SLT-Burco)- Xaflad Balaadhan Oo lagu sagootinyaayay ardaydii sanadkani ka qalinjabisay Jaamacada Addis-University ayaa habeenkan Caawa ah ka Dhacday Hotel Deero Ee Magaalada Burco.102_9254 102_9264 102_9266

Xafladani oo ay soo qaban qaabisay jaamacadu ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin Farabadan Oo ay kamid yihiin Xoghayaha Guud ee gobolka Togdheer, kusimaha Duqa Degmada Burco Maxamed Yuusuf Xoday. Xildhiban Mubarak Yusuf Cilmi (Bidhi), madaxda Jaamacada Addis University, arday waalidiin, masuuliyiin iyo martisharaf kale oo aad utiro badan.

Ugu Horeynba waxa Xafladaasi Furay Gudoomiyaha Jaamacada Adis University Prof:Maxamed Oo ka warbixiyay Marxaladihii kala Duwanaa ee ay soo martay jaamcada Adis University Waxa Sidoo kale Gudooomiyuhu Halkaasi Ka soo Jeediyay hadal Dheer Oo isugu jira Waano iyo dardaaran uu usoo jeediyay ardaydii ka qalinjabisay jaamacada iyo kuwa soo galayba.

Prof: Saataa oo isna kamida Masuuliyiin iyo macalimiinta Jaamcada Adis University oo kamida macalimiinta ajaanibka ayaa isaguna halkaasi uga duceeyay ardaydii ka qalinjabisay jaamacada isagoo kula hadlayay afkooda hooyo ee soomaliga ah.102_9309 102_9301 102_9287 102_9269 102_9249

Xildhibaan Mubaraka Yusuf Cilmi (Bidhi ) ayaa isaguna oo kamida masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa hambalyo udiray ardaydii kaqalinjabisay jaamacada Addis University waxaana xildhibanku umahadceliyay Jaamacada Addis University iyo Macalin “Saataa” oo ajaanib ah balse ay jaamacadu ufudaydisay inuu barto luuqada soomaaliga intii uujoogay jaamcada.

Xoghayaha Guud Ee Gobolka Togdheer ayaa isna aad uga mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta jaamcada Addis Universty. Waxaana uu Xoghayuhu Xusay In jaamacada Addis Ay tahay Jaamcadii ugu hreysay ee gobolka kutaal ee Shahaadooyinka ardaydu ay kasoo qaataan waddan kale oo ka baxsan dalka.

masuuliyiin ka socatay wasaarada Waxbarashada iyo qaar kamida masuilyiinta jaamacada ayaa iyana hambalyo udiray ardaydani dhamaysatay waxbarshada kulana dardaarmay inay aaminaad dalkooda.

Ugudanbtiina Maayirkuxigeenka degmada Burco Mudane: Maxamuud axmed Xoday iyo Xoghayuhu Waxay Siwada jira abaalmarino ugodoonsiiyeen ardaydii Doorka weyn kulahayd jaamcada dhexdeeda.

Xabiis Cigge Xasan

Somalilandtoday/Burco/Office

Xabiicige@gmail.com