Burco: Xaflad Balaadhan Oo Shahaadooyin Lagu Siinayay Arday Ka Qalin Jabisay Maxadka TODAY Institute oo Xalay Ka Qabsoontay Hoolka Jaamacada Golis

(SLT-Burco)- Xaflad balaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday ka qalinjabisay Iskuulka TODAY Institute (Private) ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday Hoolka Jaamacada Golis ee magaalada Burco.100_9355 100_9356 100_9360 100_9372

Xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo kasoo qaybgalay masuuliyiin, waalidiin, xildhibaano, ardayday iyo martisharaf kale oo aad tiro badan. Ugu horeynba waxa xafaladaasi ka hadalay Maamulaha Privateka TODAY Institute Mudane:Farxaan Siciid Maxamuud oo kawarbixiyay Marxaladihii kala duwanaa ee uusoo maray iskuulku iyo Halka uu maanta taagan yahay, sidoo kalena waxa uu maamuluhu hambalyo udiray ardayda caawa ka qalinjabisay iskuulka, isagoona maamuluhu kula dardaarmay ardaydaasi inay halkaasi kasii wataan waxbarashada oo aanay joojin, waxaana hadaladii maamuluha kamid ahaa “waxaan uhambalyaynayaa ardayda

Waxa isna sidoo kale halkaasi ka hadlay maamulaha SAVANA Secondary school oo ardayda qalinjabinasay kala dardaarmay Tahriibka oo uu maamuluhu ku sheegay inay tahay Aafo Qaran, waxaana maamulaha SAVANA uu ubalanqaaaday ardaydaasi ka qalinjabisay TODAY Insatitute inuu gacan qaban doono, isla markaana uu kusoo dhaweyndoono Iskuulkiisa SAVANA, Waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Waxaan leeyahay ardayda qaaliga ee quruxda badan ee caawa halkan ka qalinjabisay, iska ilaaliya Tahriibka, oo aynu aamino dhulkeena hooyo, yurub anigaa tagey waxba mayaalaan, qaxoonti ayaad ka noqonaysaa, dhulkeena mid kawanaagsani majiro, ardaydan caawa qalinjabisay iyo maamule Farxaan aad ugu hambalyaynayaa, anigu hadaan ahay Maamulaha SAVANA Aadbaan idiin ku soo dhaweynayaa Iskuulkayga”maxadkani waxa uu furnaa iminka mudo 2sano iyo bilo ah, sidoo kale iskuulku ma sameeyo sida iskuulada kale qaarkood sameeyaan oo ah in markiiba shahaadooyinka la sika siiyo ee mudadaas faraha badan ee iskuulku furnaa waa dufcadii ugu horeysay ee qalinbasa weeye oo dhan 40 arday, Ardayda waxaan kula talin lahaa waxbarashada intaas kuma eeka ee waa inay sii wataan”

Arday dhawra oo iyaguna xaflada ka hadlay ayaa halkaasi kusoo bandhigay aqoontii ay kabarteen Iskuulka TODAY Institute, iyagoo ardaydaasina ay si farshaxan leh ugu hadlayeen Luqadaha ingiriisida, Carabi iyo waliba Luuqadeena hooyo ee Soomaaliga,

Qaarkamida waalidiintii dhashay ardayda oo iyana halkaasi ka hadlay, ayaa aad ugu mahadnaqay maamulka iyo macalimiintii dugsiga TODAY Institute ee sida hagar la,aantaa wax usoo baray caruurtooda, Caaqil: Ismaaciil Cumar Dheere ayaa isaguna aad ugu khushuucay ardayda caawa ka qalinjabinaysa iskuulka TODAY Institute, waxaana Caaqilku uduceeyay ardaydii qalinjabinaysay.

100_9376 100_9393 - Copy 100_9413 100_9419 100_9442 100_9447 100_9470100_9433 100_9439 100_9440Ugu danbaytiina Xil:cabdirisaaq Maxamuud Jaamac (Aar) oo xafaladaasi soo afmeeray ayaa hambalyo qaaliya udiray Ardayda ka qalinjabisay caawa Dugsigani TODAY Institute, waxaan xildhibaanku Halkaasi Shahaadooyin Ku Godoonsiiyay qaarkamida Ardaydii dhamaysatay waxbarashada. Sikastaba ha ahaatee Iskuulka TODAY Institute oo kamida hormuudka iskuulada Privateka ah ee gaarka loo leeyahay ayaa kaalin miisaan leh kaga jira dhinaca tayayta iyo koruqaadida waxbarsashada Ardayda, isagoona mudooyinkii udanbeeyay dugsigu ku ta;absaday horumar baaxad leh.