BURCO: Jaamacada Golis-Burco Oo Ay Maanta Ka Qalinjabiyeen Arday Aad Ubadan Iyo Masuuliyiin Kasoo Qaybgalay+Sawiro

(SLT-Burco)- Munaaasibad Balaadhan oo ay ka qalinjabinayeen 127 arday oo Dhamaysatay waxbarashada Qaybaheeda Kala Duwan Ee Jaamacada Golis-Burco ayaa Maanta Gelinkii Hore ka qabsoontay Hotel CIGAAL ee magaalada Burco.

Munaasibadani oo Kulmisay Madax Iyo Masuuliyiin Aad utiro badan ayaa waxa Kasoo Qaybgalay Wafti Wasiiro ah oo Kasocda Xukuumada Somaliland, Wasiirka Cayaaraha, Wasiirka Duulista Iyo Hawada Iyo Wasiirka Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Madaxda Xisbiga Mucaaradka Ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, Musharax Jamaal Cali Xuseen, Gudoomiyaasha Jaamacada Golis Iyo Jaamacada Burco, Masuuliyiinta Gobolka, Salaadiin,  Iyo Marti sharafkale oo aad Utiro Badan.

Xafladani Balaadhan ee Ay qalin jabinayeen Dufcadii 2aad ee Jaamacada Golis-Burco ahna Dufcadii 11aad ee Jaamacadaha Golis, ayay Ardaydu ka diyaariyeen Shahaadada “Degree” ee Kuuliyadaha kala duwan ee jaamacada Sida “Facult Of Puplic Health, Facult Of Low, Facult Of ICT, Facult Of Islamic, Iyo Of Management.???????????????????????????????DSC09192DSC09162DSC09164DSC09166DSC09197DSC09198

Gudoomiyaha Jaamacada Golis University Of Burco Prof:Cadbixakiin Maxamuud C/lahi oo ugu horeyn xafladaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacada Golis waxaana hadaladii ka mid ahaa “aniga maanta waxay ii tahay farxad weyn in Maanta nagala soo qaybgashaan qalinjabintii 11aad ahna tii labaad ee burco lagu qabto ee jaamacada Golis. Jaamacada Golis qaybteeda Burco Waxa La Aasaasay 2010kii Iyadoo baahiweyn ay ku jirto gobolka, Ardayda sanadkii hore ka baxday waxa ay ahaayeen MSIT ah, Fucult engineering ah iyo facult Education, Maantana Waxa ilaahay Mahadii ah oo Noo sooru gashay inaanu soo saarno Puplic Health Education officer kii ugu horeeyay ee gobolka kasoo baxa”

Gudomiyaha Guud Ee Jaamcada Golis Prof:Siciid oo isna Xafladaasi ka Hadlay ayaa hambalyo udiray dhamaan ardaydii kaqalinjabisay xaflada iyo waalidkii kusoo tabcay ardaydaasi , waxa kale oo gudoomiyuhu aad ugu mahad celiyay Macalimiinta Kala duwan iyo maamulka jaamacada Golis ee Burco dedaalka ay muujiyeen. Waxa Iyana xafladaasi ka hadlay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid oo uhambalyeeyay ardayda, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Mud:Faysal Cali Waraabe ayaa hambalyo kadib ardayda kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan qabyaalada Iyo Qaadka Waxaana Hadaladii Gudoomiyaha kamid ahaa “maanta maalin ay ka qabyaalad badan tahay majirto, waxaan leeyahay culimada iyo dadka kaleba bahashaa qabyaalada iyo Qaadka aynu meel iska marino”

DSC09300 DSC09297 DSC09283 DSC09282 DSC09269 DSC09257 102_0004Qaar kamida Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, Wasiirada Caafimaadka, Ciyaaraha,masuuliyiinta Gobolka togdheer Gudoomiyaha Jaamcada Burco iyo suldaan Maxamuud Guuleed ,Hurre Iyo qaarkamida Macalimiinta Jaamcada Golis oo Iyana Xafladaasi Ka Hadlay ayaa Aad Ugu Hambalyeeyay,uguna Duceeyay Dhamaan Ardaydii Halkaasi Ka qalinjabinaysay,waxay sidoo kale masuuliyiintaasi kula dardaarmeen ardayda inay aaminaan dalkooda,iskana daaayaan tahriibta, qabyaalada iyo qaadka ,isla markaana shaqo ka abuuraan dalkooda.102_9222 102_9224 102_9228

Ugu danbayntiina waxa halkaasi abaalmarino iyo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay jaamacada, macalimiintii wax soo bartay, iyo abaalmarino ay jaamacadu ugu talo gashay dadka doorka weyn kuleh gobolka togdheer. Waxaana xafladaasi kusoo dhamaatay Farxad Iyo Jawi Nabadeed.

Xabiib Cigge

Somalilandtoday/Burco/Office

XabiibCige@gmail.com