Burco: Dadweyne Laga Rarey Goob Laga Dhisayo Cisbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka

(SLT-Burco) – Xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco oo loo xilsaaray hirgalinta iyo dhisida cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka oo dhawaan laga hirgalin doono magaalada burco ayaa shalay ku guulaystay inay raraan qoysas farabadan oo deganaa xaafadda injida oo ah goobta laga hirgalin doono cisbitaalkaasi,
Dadyawga ku dhaqan xaafadda Injida ee magaalada Burco ayaa ku qancay inay ka guuraan gebi ahaanba xaafadaasi laga dhisaayo cisbitaalka isla markaana sheegay inay degi doonaan goobta ay u qorshaysay dawladda hoose ee magaalada burco.xildhibaano

100_0565 100_0569 100_0571 100_0572

Gudida loo xilsaaray hirgalinta hawshani cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka burco oo ka koobnaa afar xildhibaan oo kamida golaha deegaanka burco ayaa kala ahaa xil:Mubaarak Yuusuf Cilmi(Bidhi), Xil:Nuux Maxamed Xuseen. Xil:Khadar yoonis Iyo xil:Siciid raage, Waxayna kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada iyo dadka degan xaafadu isla qaateen inay qoysasku ka guuraan xaafadani laga dhisaayo cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka, iyadoo loo samaynayo dhulbedel iyo dhismiyaal cusub oo ay ku qanceen qoysasku,
Xil:Mubarak yuusuf cilmi Bidhi oo ugu horentii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay dadkani usameeyaan dhulbedel iyo guryo cusub sidoo kalena xaafadani laga dhiso cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Shirarkii noo soo socday anaga iyo dadka degan xaafadani injida waxaa maanta tagnay xaafadihii loogu talo galay in loo dhiso oo qofwalba la taabsiiyo cabirkii dhulkiisa si ay uxaqiiqsadaan waxaana aynu isla qaadanay heshiis”
Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa yidhi “Ilaahay ayaa mahad leh waxaan umahad celinayaa reer Inji oo dantoodii ka hormariyay dantii guud, shirkadii dhisaysayna waxaan leeyahay kusoo hawlgala dhulkii waa idiin diyaar 31ka bisha waa naga diyaar dhulkii, sida ugu dhakhsaha badan uga soo hawlgala”
Xildhibaan Siciid raage iyo xildhibaan Khadar nuux yoonis oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheeciyay inay soo afjareen hawshii ugu cuslayd ee cisbitaalka Hooyada iyo dhalaanka, kana qanciyeen dadka degan xaafadani Injida inay ka guuraan xaafadani, ayna dawlada hoose damaanad qaadi doonto hawl kasta oo lasoo derista dadka xaafadani ka guuraya inta ay ku guda jiraan geediooda,100_0567 100_0573 100_0579
Sidoo kalena waxa kulankaasi kahadlay Mujaahid:Doob Cigaal oo kamida dadka laga raraayo xaafadani Injida ayaa sheegay inay ka aqbaleen xildhibaanada golaha deeganka ee hawshani gacanta ku haya , inay ka guuraan xaafadani ayna ubaneeyeen Danta guud Ee qaran , Hooyo Saado Aadan oo kamida qoysaska laga raraayo xaafadani Injida ayaa cadeysay inay ku qanacsanyihiin dhulka ay ugu talo gashay dawlada hoose inay uguuraan, isla markaana uga mahadcelisay dawlada hoose sida ay uqaabishay hawsha guuritaanka iyo degataanka qoysaskani laga raraayo goobta.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday