Bulshada Somaliland Waxa Iskaga Khaldamay Dimuqraadiyadii iyo Fawdadii

Guumaysigii Imbaraadooriyadii Ingriiska wixii ka horeeyay Somaliland kama uu jirin xukun ama maamul dhex, dhulka waxa ku noolaa qabaa’il xoolo dhaqato reer guuraa ah, beel kasta oo meel degtaaba waxa ka dhexeeyay iskaashi kooban iyo xeerar u gaar ah oo ay isku maamulaan ama ku kala baxaan laakiin duruufaha ay ku noolaayeen awgood uma ay suurto gelin uman ay baahan inay samaystaan maamul dhexe ama iskaashi balaadhan hase yeeshee Ingriisku dalka wuxuu ka dhisay dawlad, maamul iyo sharciyo lagu kala danbeeyo oo dibada lagaga keenay oo soomalidu aanay wax talo ah ku lahayn .

cadam111.jpg

Haddii Ingriisku yahay dal dimuqraadi ah lagama ogolayn Somaliland.

Gobonimadii iyo Israacii Soomaliya iyo Somaliland ka dib

in kasta oo dawladii ka dhalatay lagu sheegi jiray mid dimuqraadi ah qaybtii Somaliland waxa lagu xukumi jiray si ka duwan Gobolada koonfurta sidaa daraadeed kamay raysan isticmaarkii Ingriiska, xaalkooduna wuxuu noqday kud ka guur oo qanjo u guur.

Cadaadiskii iyo cadlad daradii ay in mudo ah ku soo jireen waxa loogu daray cago juglayn, dhaca, xasuuq iyo ugu danbayn in laga barakiciyo magalooyinkii iyo degaanadii ay ku noolaayeen.

Si kastaba aha ahaatee markii ay Somaliland dib u xorowday dejin iyo dib u heshiisiin ka dib waxa la doortay in dalka lagu maamulo nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan ku dhisan laakiin maadaama dadweynaha Somaliland wakhti aad u dheer ku soo hoos jireen xukunkii Isticmaalka iyo maamulkii digtaytaradii soomaliya waxa ku adkaatay inay la qabsadaan xoriyadan ku cusub (freedom) ee ay heleen sidaa awgeed waxa iskaga khaldamay xoriyadii dimuqraadiyada iyo fawdadii .

Badhasaabkii hore ee Jasiirada Puerto Rico  ( Luis Marin ) wuxuu yidhi :- xukunka dawladaha dunida saddexaad ama waa mid aad u qalafsan ama waa mid aad u dabacsan “ Too much order and too litle freedom, or too much freedom and too little order” .

Bal u fiirso dhawrkan tusaale iyo sida soomaliland loogu xad gudbo Xoriyada:

1.       Waxa aynu maqalnaa ama aynu aragnaa dad shicib ah oo warbaahinta ka hadlaya iyaga oo sheegaya inaanay aqbali doonin awaamiir ka soo baxaday dawlada

2.       Waxaan inagu cusbayn oo hadda caadaba noqotay in dad is hortaago in mashaariic ama hawlo kale laga hir geliyo deegaanada qaar ka mid ah.

3.       Waxa la ogyahay in khayraadkii dabiiciga ahaa ee dalka la kala sheegto oo aan ummada looga faa’iidayn Karin

4.       Waxa marar badan loo soo joogay in dhul yar oo loo qoondeeyay in dugsi ama dhakhtar laga dhiso loo diiday dawladii oo khasaare ka dhashay ama dad ku dhintay

5.       Waxa la yaab leh oo dhagaheena ka batay in qof lagu tuhmay inuu danbiile yahay oo la xidhay in dad shicib ah dawlada ugu hanjabaan in degdeg loo sii daayo iyaga oo beel sheeganay.

6.       Dhulkii iyo hantidii qaranka ee la wada lahaa waxa la wareegay oo ku tagri fala dad tiro yar oo ka faa’iidaysanaya xoriyada badan iyo xukunka jilicsan.

Tusaaleyaasha kor ku xusan iyo qaar kaloo badani waxay tilmaamayaan sida xun ee dadka qaar u isticmaalaan ama u fahmeen xoriyada iyo dimuqraadiyada.

Dhinaca kale bulshooyinka caalamku way ku kala fiican yihiin xaga anshaxa somliland waxa lagu xantaa inay ka mid tahay kuwa disibiliinka xun markhaatina waxa inoogu filan sida masuuliyad darada ah ee baabuurta loogu wado wadooyinka cidhiidhiga ah ee magaalooyinka dhexdooda.

Raysal wasaarihihii hore ee dalka Singa Pore (Lee Kuan Yew) wuxuu yidhi: “Waxaan rumaysnahay in dalkastaaba u baahan yahay in uu horumariyo disibiliinka in ka badan Dimuqraadiyada”

“I believe what a country needs to develop is discipline more then demucraciy”.

Ujeedado ma aha dimuqraadiyada ha laga guuro, ujeedadu waxay tahay waa in  aynu fahano sida wanagsan ee loogu dhaqmo iyo in loo hogaansamo laguna kala dambeeyo sharciga ( Law and Order) waayo waxa la tijaabiyay ama la ogaaday dimuqraadiyadu in ay tahay nidaamka ugu haboon ee dal lagu horumarin karo haddii sideeda loo dabaqo .

Gabogabo: Madaxweyne Siilaanyo iyo guud ahaan bulsho weynta Somaliland waxaan xasuusinayaa in xukunka jilicsan iyo dimuqraadiyada oo sid ay tahay loo hanan kari waayo iyo cadaalad daradu ay casuumaan nidaamka kaligii taliska ah.

Bal taariikhda dib u jaleece digtaytaradii ugu xumaa ee dunida soo maray iyo siday xukunka ku yimaadeen, ku darso oo qarkood dadkaaba doortay oo sidaa dan mooday markii ay qas ka bixi waayeen iyo qalalaase joogto ah.

C/raxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com