Brazil: Maxaabiis Gadooday Oo Xabsigii La Wareegay.

(SLT-Brazil)-Maxaabiistii ku jirtay xabsi ku yaala dalka Brazil ayaa gadood ay sameeyeen, kula wareegay xabsiga ay ku jireen, waxaanay maxaabiis ahaan u qabsadeen sideed ka mid ah ciidamadii ilaalada, kuwaas oo jidh dil iyo ciqaab adag ay u gaysteen, qaarkoodna ka tureen saqafka sare ee xabsigaas.

images

 

Maxaabiistan oo u badan kuwa kufsiga loo soo xidh xidhay ayaa codsanaya in xaaladooda nololeed la wanaajiyo, waxaanay sii daayeen labo ka mid ah ilaaladii ay qafaasheen, ilaa walina xaaladu sideedi kumay soo noqon.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com