Boqorka Daarood Oo Puntland Ugu Baaqey Dhismaha Waddo Gudaha Somaliland Ah

(SLT-Badhan) – Boqorka beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo safar ku jooga Magaalada Badhan ee bariga gobolka Sanaag ee Somaliland, oo uu dhawaan ku yimid marti-qaad uu ka helay Suldaanka guud ee beelaha Warsen-geli ayaa Maamulka Puntland ugu baaqey inay dhisto waddada isku xidha Badhan ilaa deegaanka Ceel Daahir.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed laga akhriyey kulan shalay Magaalada Badhan ee bariga gobolka Sanaag, kaasi oo sidoo kale ku baaqey nabadgalyo iyo wanaag ku wada noolaasho dhex mara Soomaalida.

War-saxaafadeedka uu boqor Burhaan ka soo saaray Badhan, ayaa qodobka uu kaga hadlay dhismahaasi ku yidhi “Boqorku wuxuu Puntland iyo bulshada caalamka ugu baaqeyaa inay ka qayb-qaataan dhismaha waddada wadnaha ah ee isku xidha Ceel Daahir iyo Magaalada Badhan”

Burhaan 1

Boqor Burhaan, ayaan hadalkiisa ku soo darin Somaliland oo ka talisa deegaannada Badhan ka mid tahay ee bariga Sanaag, hasa-yeeshee wuxuu baaqa dhismaha waddadaasi ku koobay Puntland iyo beesha caalamka ee kale.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com