Booliiska Somaliland Oo Heegan La Geliyey Iyo Taliye Fadal Oo Ka Hadlay

Hargeysa (Somalilandtoday) – Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa la geliyey Heegan Culus, maaddaama Dalku ku sii dhawaanayo Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada.
Hogaanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in ujeedadu tahay adkaynta nabad-galayada iyo amniga qaranka, waxaanay dar-daaran u jeediyeen umadda reer Somaliland.

Taliyaha Ciidammada Nabad-galyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo Saxaafadda u faahfaahiyey ujeeddada Ciidammada loo geliyey Heeganka ayaa yidhi “Ujeeddada Ciidanka Heeganka loo geliyey waxa weeye in iyaga oo Ciidanku waajibaadkooda gudanaya, in haddana Ammaanka adkayntiisa la sii dardar-geliyo. Halkan (Hargeysa) oo keliya maaha ee Gobollada Dalka oo dhanna waa sidaas”.
Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay taliyaha booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaana uu sheegay in maadaama ay doorashooyin dalka ku soo socdaan ay ciidanka boolisku dar-dargalinayaan shaqada ay bulshada u hayaan, waxaana uu yidhi:
“halkan waajibaadka aanu isugu nimi sidii caadada noo ahayd waxa weeye inaanu adkayno nabad-gelyada maadaama doorashooyin nagu soo fool leeyihiin, ciidanka boolisku