Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Dhiidhiyey Dhawaaqii Ay Xildhibaannada WADDANI Ugu Gacan Haadiyeen AMISOM

(SLT-Hargeysa) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa lahjad waddaniyadeed kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka ragaadiyey, isaga oo si gaar ah uga hadlay muranka ka taagan xeerka diwaangelinta.

boobe-yusuf-74

Mujaahid, Boobe oo deba socday baaq ay xildhibaanno ka mid ah xisbiga WADDANI ay beesha caalamka kaga dalbanayeen in ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya joogaa ay Somaliland soo faro-geliyaan ayaa sheegay inaan ummada xaq loogu lahayn arrimaha noocaasi oo kale, maadaama oo Somaliland halkaasi ku soo gaadhey dedaalka dadkeeda isla-markaana aanay shisheeye hore u soo faro-gelin.

Boobe oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa yidhi “Qaarkood waxay ku dhawaaqeen (Xildhibaannada WADDANI) shisheeye hana soo faro-geliyo, waligeenna Shisheeye innama soo faro-gelin, Maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dawladihii ugu awoodda badnaa ayaa dagaal hubeysan oo dadweyne lagala hor-tagey oo lagaga Guuleystay”

Mujaahid Boobe oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waynu heshiinay, nabadeyn ayaynu galney, dib u heshiisiin ayaynu galnay, hub ka dhigis ayaynu galney, ciidamo ayaynu dhisanay, Baarlamaan ayaynu dhisaney, Isgaadhsiin ayaynu dhisanay oo wax walba waynu dhisanay, dibad la inooguma iman ee innagaa dhisanay, tiibaa innamadan muddo dhaafka ah ee tobanka sanadood meesha joogay innagu leeyihiin (shisheeye ha na soo faro-geliyo)…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Markaa waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay wacyigooda kiciyaan oo ay dareensanaadaan waxa waddanka ka socda”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.