Bishan Bisheedi 1975-kii: Layntii Culimada Soomaliyeed Ee Siyaad Barre.

Akhriste qormadan waxaynu kusoo qaadan donaa,mid kamida dhacdooyinkii ugu xanuunka badanaa ee tariikhda umada somaliyeed soo marta tan iyo
intii ay hano-qaaday dawladnimo ka dhalatay arlada somaliyeed.

Bishan oo kale 1975-kii waxay ku beeganyahay dharaaro xusuus mudan iyo
gawracii culimo somaliyeed oo rajiimkii siyaad bare ku fuliyay dilo
toogasho ah 23/1/1975-kii ,waa culimadii somaliyeed ee iyagoo diinta
islaamka difaacay kuwayay naftooda.

Golihii kacaanka ayaa soo saaray sharci ka hor imaanaya diinta
islaamka iyo dhaqanka umada somaliyee.sharcigaas oo laga soo
min-guuriyay dawlado shiisheeye oo dano gaar ah ka lahaa umada
somaliyeed.

Dhamaadkii sanadkii 1974-kii ayaa golaha sare ee kacaanka waxa lasoo
hordhigay sharci ka hor-imanaaya qur’aanka kariimka ah,sharcigaas waxa
uu simayay xaquuqda raga iyo dumarka , hadii ay naqon lahayd xaq kasta
oo ay dumarku leeyihiin.

Wax-yaabihii sharcigaas kamidka ahaa in dhaxalka ay u simanyihiin raga
iyo dumarka oo ninka dhaxalkii sharciga diinta islaamku siiyay mid
lamid ah ay leeyihiin haweenku.

Dhacdadaas foosha xun ee ay dabada ka riixayeen wadamada shiisheeye
waxa ka gilgishay qaar kamid ah culumada somaliyeed kuwoodii ugu
geesi-sanaa.

Waxayna ka hor-yimadeen sharcigaas laga wii-qayay islaamka ,waxayna si
toos ah ugu hor-yimadeen sharcigaas iyagoo masajidada magalada
muqdisho ku qab-tay muxaadirooyin ay umada ugaga digayaan inay ka
hor-yimadaan sharciga ka dhanka ah diinta islaamka.

Maalin ay taariikhdu ahayd 11-12-bishii january ee sanadkii 1975-kii
ayay gollihii sare ee kacaanku sharcigaas hirgaliyeen, waxaana
warbaahinta dawlada laga baahiyay warka sheegay in dawalada somaliya
ay qaadatay sharciga simaya raga iyo dumarka. sharcigaasi waxa uu
oof-wareen ku ahaa diinta islamaaka waxa hirgalintiisa iska lahaa
hogaamiyihii arxanka darana ee aan diin iyo dad-toona u danayn jirine
ee Maxamed siyaad barre.

Culimadaas waxaa kamid ahaa mujaahid shiikh axmed shiikh maxmed
walaaleeye , oo kamid ahaa raga muujiyay geesinimadii layaab-ka lahayd
ee uu kaga horyimid sharcigaaas .

Wuxuu markii sharcigaaas lasoo saaray masaajidada muqdisho ku qabtay
muxaadirooyin uu shacabka uga digayo falkaas adhax-jabka ku ah
diinteen suuban ee islaamka,dad badan ayaa soo wariyay in masaajid
kamid ah magaalda muqdisho uu axmed salaadii jimce kaga hadlayay in
shacbku aanay aqbalin falkaas cadaw-gu soo maleegay ee uu hor-boodayay
jaajuskii maxamed siyaad barre ee dabo-dhoonka u ahaa falalkii
argagixasada ahaa ee ay wadeen gaaladu,

Axmed waxa uu labadiisa gacmood mid kamid ah ku hayay kitaabka
Qur’anka,gacantiisa kalena waxa uu ku hayay joornaalkii ay dawladu
lahayd ee la odhan jiray xidigta October,

Joornalkaas oo lagu qoray in dalka laga hir-galiyay sharcigaas. axmed
waxa uu shacabka somaliyeed u sheegayay in labadan arin ay tahay inay
mid racaan.

Kitaabka qur’aanka ah iyo go’aanka dawlada midkood lkn wakhtigaas
xaalku sidan wuu ka duwanaa dadka oo dhan cabsi ayaa haysay way adkayd
in cidii ka hor-timaado go’aan uu gadhay kaligii-taliyuhu .dadka oo
dhan qalbigooda waxa buux-dhafiyay cabsi laga qabay dawlada. taas
ayaaa keen-tay in ay difaaca diinta ku kaliyooban raga aan xusi-doona
magac-yadooda kuwaas oo ahaa geesiyaal naftooda u huray diinta iyo
inan la dhaxal-wareejin umada somaliyeed xaga diinta iyo dhaqankaba.

Magacyada 10- xubnood ee 23/1/1975-kii lagu toogtay magalada muqdisho

shiikh axmed sh. maxamed walaleeye .
sh.muuse yuusuf . shiikh axmed iiman
Cali xasan warsame .xasan ciise iiley
Maxa’ed siyaad xirsi .cali jamac xirsi
Aden cali xirsi . Yasiin cilmi cawed
saleban jamac max’ed

Culimadaas aan sare ku xusay waxa maalin khamiis ah oo ay taariikdu
ahayd 23/1/175-kii lagu toogtay xeebta muqdisho. ma jirin cid ka
hadashay cabsi laga qabay inkaar-qabe siyaad bare.

Lkn waxa nasiibo xumo ah inanay jirin cid xusta ama soo hadal-qaada
ragaas u qudh-baxay diinta halka malin walba laga xuso. waxa macno
badan lahayn waxad arkaysaa maalmo lagasoo waariday reer-galbeedka oo
boqolal qof ay xuskooda ka qayb-galaan halka aan geesiyasha diinta u
dhintay cidi ka xusin

Somaaliya iyo Siyaad Barre waxa ku dhacay inkaartii iyo cawaa-qib
xumidii ka dhalatay dilkii culimada dhaxalkeediina wa taas ilaa maanta
muqdisho u gubanayso

Cudur-daar qoraal

Waxaan qorey qoraal anan gobjoog ka ahayn, oo wakhtigaan ka waramaayo
maba jirin qof ahaan.lkn waxan qoraal u badalay tariikh ay hayeen
dadka waawayni.

Waxaan ka cudur-daranayaa ka mustafe ahaan. khalad kasta oo ay
suurta-gal tahay inaan sameyay.
hadii ay noqon lahayd xaga tariikhda iyo hadii ay noqon lahayd
magacyada aan adeeg-saday. waxan kale oo ka cudur-daranayaa inaan
garan-wayay magacyada ragii lagu xukumay xabsi daa-imka guud ahaan
waan ka xumahay wixii iga khaldan ee anan haynin ee ay hayaan dadka
iga waawayni.,

Qoraalkan wuxuu ku habonaa inan qoro maalintii ku beegnayd dilkii
culimada ee 23/1/2018 lkn sababo iyo sixtaan waxay surta-gal ii
noqotay 28/1/2018

Alaah Mahadleh

W/Q. Mustafe Axmed Max’ed Geedi
Email. mustafea179@gmail.com
Burco somaliland