Bilcantii Qarawga Curintii: Cabdikariim Kaabuli

Waxa ay ahayd habeen sabti ah, tamashlayn fara badan dabadeed waxa uu ku hakaday makhaayad shaah oo gurigiisa ka ag  dhawayd. Waxa uu maalintaas ku jirey fasax dhanka shaqada ah maadaama oo ay jimce ahayd. Waxa uu jeclaystay in uu in cabaar ah halkaasi caways kula sii qaato dhalintii xaafada ee saxiibadiis ahaa, laakiinse nasiib-darro ma aysan jirin wax asxaab ah oo habeenkaasi makhaayada joogtay. Waxa uu niyadiisa iska weydiiyay dhanka ay u kaceen habeenkaasi isaga oo kolba dhan fiirinaaya “tolow maanta miyay fadhiyeen (qayilayeen) mise kuwii gabdho ahaa ee ay la socon jireen ayay la baxeen” waa su’aalaha uu niyadiisa iska weydiinayey.

Makhaayada xageeda danbe waa mid lagu qayilo halka afaafka horena odayaasha iyo dhalinyarta xaafadu ku qaxweeyaan kuna qaataan wakhtiyadooda fasaxa sida galabtii iyo cawaysinkii. Habeenkasi waxa goobta fadhiyay saddex oday oo xaafada ah isla markaana si waayeelnimo ah u falanqeynaayay waayaha aduunka iyo xilliyadii beri-samaadkii iyaga oo isku haasaawinaaya dhacdooyin iyo sheeko-dhaqameedyo hore oo murti iyo xikmadiba ku gadaaman tahay iyo waxa wakhtigan jooga bedelay. Aad ayuu u jeclaa sooyaalka tariikhda ah waxana uu had iyo goor la fadhiisan jirey dadka waayeelka ah si uu sheekooyinkasi uga qabto ugana dhaxlo wax-alle wixii taariikh iyo waayo-aragnimo ah ee ay kala kulmeen sooyaalka dunida.

Odayasha xaafadu waa kuwo si wacan u yaqaan, waxana ay hore ugu magac-dareen “Barkhad-yare”, iyaga oo had iyo goor ku soo xasuusan jirey Aw-barkhad AHN oo ahaa awoowga wiilkan. Aw-barkhad AHN waxa uu ahaa oday-dhaqameed beeshiisa gadh-wadeen u ahaa, kaasi oo si weyn loogu xasuusto nabadayntii iyo walaaleyntii uu bulshadiisa kula dhex jirey, taasi oo ay u dheerayd af-tahanimo, xilkasnimo iyo garaad Eebe ku dahaadhay. Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto aw-barkhad waxa ka mid ahaa, mar waa-hore laba qoys oo beeshiisa ka soo jeeda ay dirir colaadeed ku dhex martay gabadh la fara-xumeeyay, kadibna qoyskii gabadhu ka dhalatay u hub uruursaday dagaal iyaga oo isla amintiiba soo dilay wiilkii gabadha loo tirinaayay, waxana halkaasi ka bilaabmay dagaal mood iyo maalba naafeeyay dad badanina ku hoobteen. Aw-barkhad isaga oo arintaasi ka xun ayaa uu guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii uu labadaasi reer ee walaalaha ah u kala qaboojin lahaa waxana uu kulamo la yeeshay ergooyin ka kala socday labada dhanba, kadibna xaajo, gar-qaad iyo gogol-nabadeed loogu balamay. Kolkii geedka hoostiisa la isku yimid ergooyinkii shirkuna u dhantahay waxa Aw-barkhad mar qudha ooda ka qaaday gabay dheer oo uu tuducani ku jirey:-

  • Dabcigiisaba rag waa u dhashay dirir colaadeede

  • Dir wada dhashaad tihiinoon kala tagayn daa’in abidkiiye

  • Dabka huran bakhtiiyo ha durina dhaxal walaaleede…

Waxa la sheegaa in amintaasi ka dib qolo kastaaba halkii ay ku dhaganayd ka soo fuqday, meel dhexdhexaad ahna la iskugu yimid, iyada oo isla goobtaasiba heshiis buuxa iyo balan-qoomeed lagu kala qaatay….

Waxa uu jeclaystay sheekooyinkaasi ay odayaashu is-weydaarsanaayaan, durbadiina waxa uu kursigiisa u soo qaatay dhankaas iyo dhankii duqaydu kaga beegnayd. Odayaashani waa guud ku ciroolayaal aloosaaya sheekooyin wakhti hore dhacay laakiin raadad dhaqameed ku leh bulshada soomaalida. Maskax-waanaga iyo garaadku waa mid Eebe ku manaystay, waana mid jecel in uu barto taariikhdii hore ee ummada si uu u xoojiiyo kaftankiisa iyo hadalka uu la tagaayo golayaasha dhalinta aynigiisa ahi ku haasawdo, tiraabtiisuna u noqoto mid murtiyaysan.

Habeenkaasi waxa uu qaatay caweys-dhaqan oo aad u macaan, kolkii idaacda BBC-du ka baxday abaaro 9:30 habeenimo waxa odayaashii damceen in ay aqaladoodii u kala caraabaan, waxana halkaasi la isku nabad galyeeyay iyada oo Eebe_na laga baryay in caafimaad-qab danbe la iskugu yimaado. Waxa uu soo kacay isaga oo u sii jeeda dhankaas iyo aqalkiisii, waxana had iyo goor niyadiisa ku soo noqnoqonaysay sheekooyinkii maadda lahaa ee oday Xasan ka sheekaynaayay isaga oo xilliyada qaar uurka ka qoslaayay kolkolna dhagaxaanta dhulka kor taal sii laad-laadaayay. Weli wax reer ah iskuma dayin lakiinse iminka waxa uu baadi-goob ugu jiraa tii uu aayaha aduunyo la wadaagi lahaa, inkasta oo uu yahay wiil furfuran hadana waa mukhajil (xishood Badan), dhanka dumarkana iskuma fiicna oo kelyo adayg badan oo uu ku hor istaago Rabbi uma yeelin. Waa kii sooraan lahaa “dumarka iskuma wacnin ee mid uun i guurso i tidhaahda shiikhow faalka iiga eeg” tabtaas ayuu isna ku wadaa.

  Waxa uu habeenkaasi aqalka tagay isaga oo caways aad u macaan soo qaatay, durbadiina waxa uu si toos ah u tagay maqsinkiisi, isaga oo halkaasi ugu diyaar garoobay hurdo xaalada uu nabiga ku saliyaayay. Inkastoo hadana mar walba niyadiisa ay ku soo noqnoqonaysay sheekiiyinkii oday Xasan habeenkaasi ka sheekeynaayay, hadana in cabaar ah dabadeedna waxa uu u gam’ay si fiican.

Waxa uu habeenkaasi seexday hurdo aanu abidkii seexan, isma rogin mana baraarugin ee dhankii uu u jiifsaday ayuu widi habeenkii dhulka ku hayay. Amin soo dhawaadkii ku siman wax kaliya hal mar ruuxdiisa wada saaqday dareen farxadeed, waxa uu qaraw ku arkay gashaanti aad u bilcoon oo dhaxalkeeni hooyo iyo hiddihii Ummadeena huwan. Waxa ay ahayd bilcan Eebe dherer iyo dhumucba siiyay, dhaban iyo dheehna loogu daray. Waxa ay gacanta ku laa-laadinaysay dhiil caano ah, waxana wejigeeda ka muuqanaayay farxad dhoola cadays ah iyada oo ka baqaysa in ilkaheeda si cad loo arko. Dabaysha yar ee jirtay ayaa kolba timaheeda tidcan dhan u dhaqaajinaayay iyada oo si miisaan leh hadba talaabada u soo gundhiyaysay. Sheeda ayuu ka halacsanayaa waxana ay marba marka ka danbaysa ku soo dhawaanaysaa dhankiisa, laakiinse sidii looga bartay ma laha markan baqdin iyo xishood ee malaha waxa habeenkaasi ku jira xiniinyo aan kuwii hore ahayn.

Waxa ay soo socotaba waxa ay soo gaadhay buqcadii uu fadhiyay, kadibna inta ay kor timid oo hareeraha fiirisay ku soo foorarsatay si lama filaan ahna u dhansiisay caanihii dhiisha ku jirey ee ay gacanta ku waday iyada oo wejigeeda laga dareemayo xishood. Yaab Iyo amankaag!!! Ma abaal marin dhanka Eebe ka timid iyo xuural-caynbaa mise waa akhyaali iyo xoolo shaydaan. Afka ayaa juuqda gabay carabkuna waa kari waayay wax hadal ah. Waxa uu la dheygagay indhaheeda goodka ah, sanqaroorka qoran, ciridka dhuxusha ah, suniyaha dhilan, dhabanka dheeha leh iyo samayska macaan ee Eebe u suureeyay. Caanihii ayaa qawlaladiisa ka tifleeyay ka dib markii dhamaan xubnaha jidhkiisu shaqada joojiyeen marka laga yimaado wadnaha dhiiga habaya, iyadna inta ay dareentay in uu ka haqab belay ayay si kartinimo leh hadhuubkii dhulka u dhigtay tafteedana kaga tirtirtay caanihii qawlaladiisa ku yiil, kadibna inta ay si hub-qaad leh u hinqatay ayay dhiishii caanaha lahayd dhabarka u ridatay isagana inta ay gacanta usii haadisay dhoola cadayna ugu dartay dibna u jeesatay iyada oo foolka saartay halkii ay hore uga timid.

Hanaanka talaabada iyo dheelitiranka socodku waa tusmo kale oo yarta loogu deeqay taasi oo qalbigiisa sida lingaxa isku dabooshay waxana uu jaaheeda sii fiirinaayay tan iyo intii ay muuqdeedu libdhaysay. Yaah!!! Tolow maxay ahayd, ma ku tiqiinay, maxay uga jeeda sidaasi, maan garan!!!!!?

Wax uu badweyntaasi dhex dabaashaba hal mar ayuu kor u soo hinqaday sidii qof biyo lagu hafiyay oo madaxa kala soo dhex mudh yidhi, kolba dhan ayuu jaleecay, shaydaankana iska naaray isaga oo indhiisa marmaraaya, kadibna inta uu barkintiisa dib iskugu tuuray indhaha kor u fiiqay. Aragtida xidigaha iyo bidhaanta samadu waa sad ee, dhan kasta oo uu fiiriyaaba waa gudcur gaama-gooya ah oo aan wax bidhiiq ahi dacalna ka baxayn, taasina waxay hal mar baabiisay hilaaci iyo muuqii haboonaa ee ka baxaayay qalbigiisa, waxana hal mar ku soo hoobtay fikir iyo xasuus durduurasho ah oo qalbigiisa ku hooraysay sida dhibica roobka.

 Waxa xasuustiisa hantiyay bilcantii qarawga, waxana goobtaasi ugu bilaabmay dareen gubasho leh oo laalay awoodiisii rabaaniga ahayd. Waxa maskaxdiisa in badan mashquuliyay xarakaadkii qarawga, una diiday baalaha indhuhu in ay kulmaan, habeenkaasi wixii hadhayna waxa uu ku qaatay soo jeed iyo jamashada dareen humaag-beenaale ah.

Salaadii aroornimo ayaa uu u kacay, kadibna inta uu tukaday mar labaad ku noqday hurdada ilaa laga gaadhaayay wakhtigii shaqada oo albaabka lagu soo garaacay si loogu toosiyo. Quraac iyo diyaargaraw dabadeedna waxa uu u baxay goobtii shaqada. Waxa uu soo laabtay gadiidkii isaga oo waxooga daal ah dareemaaya, maadaama oo maalintaasi cadceedu aad u kululayd.

Kolkii uu sariirta tagay waxa mar keliya maskaxdiisa qub ku soo tidhi bilcantii qarawga iyo xarakaadka riyadii xalay. Waxa ku soo rogmaday hirar fikir ah oo sida mawjadaha badda is bara-bixinaaya, waxa ku soo ekaaday dareeno dhawr ah oo aad u kala fog, waxana markaasi u bilaabmay hawlo aduunyo iyo walaaceed. Wax uu fekeraba wakhti danbe ayuu gam’ay. Galabtaasi kama bixin aqalka ee hawlo dhanka shaqada ah ayuu diyaarinaayay, goor makhribka dabadiis ah ayuu soo baxay inkastoo hadana aanu suuqa ku raagin habeenkaasi wakhti hore ayuu soo hoyday.

Waxa uu markii ugu horeysay dareemay in lagu soo kordhay wixii uu xalay riyada ku arkayna ku reebay raad qoonsimaad leh, hadana waxa uu naftiisa ku qanciyay in uu dhacdadaasi tirtiro waaxyaha xasuustana ka yareeyo durduurashada qarawgaasi, sidaasi ayaanu ku gam’ay habeenkaasi. Salaadi aroornimo ka dib waxooga waxa uu isku habaystay faylal (file) dhawr ah oo uu xalay diyaariyay, kadibna waxooga sariirta isku yara kala bixbixayay isaga oo wakhti yar dabadeedna indhaha isla helay, gadii hore oo kale waxa mar labaad u timid bilcantii qarawga, waxa ay xidhnayd hugii habeen hore, waxa ay gacanta ku sidaa dhiishii. Waxa uu fadhiyay salax biyo ah kokiisa isaga oo ul uu sitay kolba biyaha ku eegaaya joogooda mararka qaarna si dareen leh uga boganaaya hirarka yar ee biyaha ka samaysma kolka uu usha quusiyo, sidoo kale cirka ka sareeya, dhulka u goglan, dhirta geed midhoodka iyo magoolkaba leh ee agtiisa ku teedsan iyo mawaashiga ag mayracanaaya ee kolna biyaha afka saaraaya kolna daaqa u jeedsanaaya waa waxyaabaha dareenkiisa qaaday soona xasuusiyay awoodaha iyo xikamka Eebe.

Waxa dhanka cadceed u dhaca ka soo qabtay of dumar ah oo dhankan biyaha u soo jeeda. Wiilasha indhahiisu waa halacsadeen humaaga ruuxani laakiin waxa uu ku maqan yahay kuna maag-san yahay qaab-dhismeedka dabiiciga ah ee Arligani Eebe u uumay, iyadna marba waa soo dhawaanaysa indhihiisuna waa u jeedaan laakiin aragtidaasi waaxyaha dareenka weli ma gaadhin maadaama dareenku meel ka dheer ku foogan yahay. Qoftii dumarka ahayd inta ay soo gaadhay goobtii ay dhanka kale salaxii iska soo taagtay iyada oo inta ay fadhiisatay biyaha faraha gal-galinaysa kadibna wejigeeda marinaysa, isna sheeda ayuu ka daawanayaa laakiin weli dareenkiisa ma soo jeedsan. Bilcantii inta ay kor u istaagtay ayay hal mar ah timaheeda dheer ee dhabanka dul yiil sidaas dhabarka dib ugu riday, dhankiisana u soo jaleecday iyada oo dhoola cadaynaysa gacanta midigna in yar kor u qaadaysa oo faraha si haboon u dhaqdhaqaajinaysa. Waxa keliya hal mar soo laabtay dareenkii meel dheer jirey, waxa uu si naxdin leh u qaaday gacanta midig si uu uga jawaabo salaantaasi gacan haadiska ahayd, waxa uu si buuxda u fiiriyay suurada bilcanta waxana uu ogaaday in ay tahay bilcantii qarawga. Waxa mar labaad cajab gelisay sida xikmada leh ee Eebe bilcanta u suureeyay, waxa uu la dhacay dhexda taakada ah ee yartan lagu miisaamay, jooga iyo dhumucda la isugu dhameeyay, cududaha iyo laafyaha buuxa, naasaha tantoobkaa iyo timaha dheer ee dhabarka hadaafaya.

Waxa uu damcay in uu dhankeeda u soo kaco laakiinse inta ay dhoolaha cadaysay, gacanta ugu haadisay in uu bartaasi ku negaado, kadibna inta ay dhulka ku foorar-satay kor u soo qaaday ul duur ah oo malaha qof hore salaxa kaga dul tagay iyo dhiisheedi caanaha ahayd oo ay hore dhulka u dhigatay iyada oo gacanta u sii haadinaysana u dhaqaaqaday dhankii cadceed ka soo baxa ee ay hore ugu timid si miisaan iyo hub-qaadba leh iyadoo hadba talaabo tolmoon sii jaraysa. Isaga oo la sii dhacsan jaah wanaaga bilcanta waxa mar qudha toosiyay mobilkiisa oo xiligaasi saacadi ugu buuxday si wakhtiga shaqada aanu uga daahin.  Indhaha ayuu kala qaaday isaga oo markaasi ogaaday in uu qaraw ku jirey, bilcantii qarawguna mar labaad manaam ugu timid.

Waxa u beryay waa aan ahayn kii uu yiqiinay. Subaxdaasi ma qaadan wax quraac ah waxana uu shaqada u baxay isaga oo aan lahayn labiskii iyo xaragadii lagu yiqiin. Waa la su’aalay lana warsaday waxa haleelay laakiin ma sheegin waxa aan ka ahayn “waxba”. Maalintaasi ma lahayn furfurnaantii iyo kartidii looga bartay goobta shaqada waxana uu ahaa maqane jooga, qofkastaana waxa uu ka warsanaayay waxa subaxdan haleelay laakiinse ma bixinaynin wax jawaab ah oo aan ka ahayn “waxba”, waxa aan se isagu intaasi ku qancin saaxiibkiis kaasi oo in badan isku dayay in uu ogaado waxa ku habsaday saaxiibkiis laakiinse goor danbe ayuu dareemay in hadalkan faraha badan leh u dhibsanaayo saaxiibkiis waxana uu go’aansaday in uu faraha ka qaado hadalkana aanu intaas uga sii badin.

Waxa u baxaysay marawaxada xafiiska kursigana dib ayuu ugu tiirsaday isaga oo labadiisa gacmood oo is gashan sidaa ugu soo haya qoortiisa, waxa horyaalaana ay yihiin bilcantii qarawga ayaa waxa hal mar u soo galay mid ka mid ah shaqaalihii xafiiska kala shaqaynaayay, kadibna inta uu hambabaray hore u soo fadhiistay isaga oo sidii ruux hurdo ka soo kacay wejigiisa mar-maraaya, jidhkiisana kala bix-bixinaaya. Waxa uu fiiriyay saacadiisa kadibna inta uu kacay file kala soo baxay kabadhka lana dul yimid miiskiisi isaga oo kolba xaashi soo rogaaya.

Maalintaasi ma soo raacin gaadiidkii shaqaalaha ee lugtiisa ayuu soo miciinsaday si uu kelinimo u dareemo waayaha hor yaalana in badan u sii rogrogo. Talaabada ma dheerenayn ee sidii ruux bukaan-socod ah ayuu kolba lug qaadaayay ilamaa iyo uu gurigii ka tagay wakhti danbe, waxa uu galay maqsinkiisi isaga oo markaasi daal dareemaaya kadibna inta uu soo baxay xamaamka ku soo qubaystay una soo laabtay dhankii maqsinkiisi, waxa ay markiiba ishiisu qabatay qadadiisi oo sariirta hoos taal kadibna inta uu dul yimid oo waxooga ka qaad-qaatay iska soo qaaday qolkiisiina hoosta ka soo xidhay, fikir badan dabadeedna xilli salaad ku soo dhawaadkii ah gam’ay.

Sidii lagu yiqiin maalintaasi uma soo kicin salaada ee hurdadiisi ayuu iska watay maadaama oo aanu xalay hurdo fiican seexan, waxana uu soo baraarugay goor Makhribka hortiisii ah. Naxdin inta uu la booday ayuu albaabka furay, suuligana weyso ku soo qaatay si dhakhso ahna maqsinkiisi ugu soo laabtay isaga oo halkaasi laba salaadood oo midi qale tahay ku xidhay. Kolkii uu salaada ka soo baxay ayaa waxa u soo gashay hooyadii oo la yaaban waxa wiilkeedii ku soo kordhay, waxana ay weydiisay wiilkeeda waxa helay maanta laakiinse waxa uu ku qanciyay in xalay uu ku saamaleylay waraaqo dhanka shaqada ah oo uu diyaarinaayay hadana uu caadi dareemaayo.

Habeenkaasi kama soo bixin aqalka ee maqsinkiisa ayuu iskaga jirey isaga oo naftiisa su’aalaaya waxan haleelay laakiinse hadana waxa uu mar keliya awoodi waayay in uu jawaabtaasi isa siiyo maadaama oo marka uu naftiisa su’aalaba maskaxdiisu siinaysay xasuusta bilcantii qarawga. Waxa uu maskaxdiisa hadheeyay dareemo badan oo cabsi leh miyaa lagu falay, ma waxbaa lagu qabtay, wuxu ma Shaydaanbuu ahaa, caanihii miyaa wax laguugu soo daray, hadaanu shaydaan ahayn muxuu hal erey kuu odhan waayay, adigu markii sidaad ahayd????.

Su’aalahaasi iyana dhankooda waa kuwo dubaalada u sii dheereeyay dabkii ka hiraayay qalbigiisa, kuna abuuraayay caloolyow iyo werwer hor leh oo ku aadan mustaqbalkiisa danbe iyo waxa marxaladan uu ku sugan yahay u xigi doona, laakiinse hadana Imaanka ayaa kol walba dejinaayay xaladiisa kacsan. Habeenkaasi waxa uu dood dheer la yeeshay naftiisa laakiinse waxa saaqay, waa mid uu maare u waayay, wuxuse garwaaqsaday in bilcantii qarawgu saamayn jacayl ku abuurtay naftiisa. “Tolow riyo wax malagu jeclaan karaa, dunida se horeyso ma ugu dhacday” ayuu hadana naftiisa su’aalay isaga oo mar labaad la yaaban xaaladiisa, intii waa ka beryaayayna waxa uu la xaajoonaayay naftiisa. Horaa loo yidhi “waa Nin iyo waagii” waxa u beryay maalin kale oo iyadna waayaheeda iska leh. Kolkii uu waa beryay salaadii aroornimana tukaday waxa uu go’aansaday in uu sidiisi hore ku soo noqdo, laacan marayna naftiisa ka maareeyo laakiin go’aankaasi ma noqon mid waara ee durbadiiba waxa sida hilaaca u maray bilcantii qarawga kuna abuurtay xasuus kale oo hor leh.

Naftiisa ayaa ku hogaamisay kelinimo iyo in uu bulshada ka dhex baxo, shaqada waxa uu ku tagaa kagana yimaadaa lug, waxa mar qudha soo idlaaday kaftankiisi iyo bashaashnimadii Eebe ugu deeqay, waxa uu jaray cawayskii iyo la socodkii asxaabta kuna bedeshay fikir iyo maag, oon iyo oomatana waa kala tageen, waxa durbadiiba oogadiisa sare ka muuqday diif iyo diihaal, waxanu la kowsaday saama-leyl iyo soo-jeed aan kala joogsi lahayn.

Waxa la dareemay waayihiisa, dabiib iyo daawana lagula waashay, laakiiinse si cad looma garanayn waxa saaqay, isna sidii wax qataalan afku juuqda gab. Waxa laga waayay goobtii shaqada, waxa uu ku keliyaystay maqsinkiisa, waxa uu noqday dhul-yaal aan wax xarakaad ah lahayn, waxa keliya ee uu arkaayay ayaa ahayd bilcantii qarawga, waxa niyadiisa ku soo noqnoqonaysay xarakaadkii qarawga, waxana mar walba niyadiisa ku sawirnayd sansaankii bilcanta iyo afku qabashadii caanaha. La isu sheeg lana soo wada booqay, iyada oo qof waliba la yaaban yahay waxa asiibay wiilka, laakiiinse aakhirkii waxa laga qaadi waayay in la falay oo uu sixran yahay.

Saddex casho ayaa ka soo wareegtay kolkii uu bilcanta ku arkay qarawga, xaaladiisa wax siyaado ah mooye ka soo reyn ma leh, qaraabo iyo asxaabna waxa la isla meel dhigay in Quraanka lagula eerto si waxaasi baabay looga dabiibo. Xerta diinta ayaa maqsinkiisa camirtay, waxana habeen iyo dharaarba lagu dudubiyaan soddonka Quraanka ah iyo alle-bari (duco), iyada oo mawlaha weyna looga baryay in waxaasi dureeyay uu korkiisa ka qaado caafimaad iyo ladnaana ugu deeqo, balse Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “baroortu orgiga ka weyn” ee waxa tolkii ka dabiibayaa ma aha mid bakhtiinaysa holaca ba’an ee ka baxaya qalbigiisa, rajo iyo yididiilo caafimaadna ku beeraysa.

Kolkii Quraan iyo cilaajba lagula quustay waxa culimadii sheegeen in waxa wiilka hayaa ka sal balaadhan yahay Fal iyo Durro shaydaan, isla markaana xanuunkiisa loola baydho dhankaas iyo dhakhaatiirta wax baadha. “Nin buka boqol u talisay” ee waxa maalin waliba loola ordaa dhakhtarka daawadiisa lagu tuhmaayo, muddo aad u koobana waxa lagu soo dhameeyay wax alle iyo wixi mihnad caafimaad magaaladaasi lahaa, isna wax isbedel iyo ka soo reyn ah ma leh, in uu ka sii cuslado mooye.

Wixii uurku hayo afka ayaa kaa xada ee, waxa goor barqo ah iyada oo tol iyo asxaaba madaxiisa la dhooban yahay afkiisa ka soo baxday hadalo afkala-qaad iyo u qaadan waa noqotay, kolkii isaga oo miyir-doorsooman uu ku jibaaday “kumee quruxlaydii….. maxaan mar labaad kuu arki waayay….sida miyaad igaga tagtay…. adiga ayaan kuu baahanahay”. Yaab iyo amankaag!! Inta la is fiiriyay ayaa afka gacanta la saaray misana dib loogu fiirsaday waxa afkiisa ka soo yeedhaaya ilaama qof waliba si safeex ah dhagihiisa ugu maqlay. Dad badan oo madaxiisa hore u fadhiyay; dibada ayay uga soo baxeen, kuwo kale oo dibada joogayna gurada ayay ugu soo galeen si ay uga dhursugaan xaaladaasi waxa xigi doonta.

Goor danbe ayuu indhihiisa furtay miyirkiina u soo laabtay, isaga oo isku dayaaya in uu kor u soo fadhiisto, laakiiinse awood la’aan badan ka daremaaya jidhka, una baahan taageero iyo garab-qabasho. Hooyadii oo dad ugu xigtay ayaa kolkiiba afka ugu qabatay caano kor yiilay oo subaxdaasi loo soo shubay, tuwaal qoyana fooda ugu qabatay iyada oo wejigeeda laga dareemaayo dhibatada ba’an ee wiilkeeda ku habsatay. Saddex jeer ayuu kabaday kadibna gacanta iskaga qabtay weelkii caanuhu ku jireen isaga oo ka daacaaya.

Waxa laga warsaday cidda ka maqan ee uu jibaadka ku raadinaayay iyada oo loo sheegay hadaladii uu ku hadlaayay wakhtigii uu koomada ku jirey. Inta uu naxay ayuu yaabay misana u qaadan waayay!! Hareeraha ayuu kolba dhan fiirshay, isaga oo dadka hor fadhiya wajiyadoodana hadba mid fiirinaaya. Dhidid ayaa oogadiisa sare kasoo tif yidhi afkana dhaqdhaqaaji sidii ruux hadalku qabsaday. Hadalka meermeer oo kolba meel isku qaad laakiiinse aakhirkii runta ku eeray wax walbana sideedii u sheeg.

Lala yaab, ruux waalana loo qaaday. Dumarkii baroor ayay la jeesteen ragiina talo iyo sidii wiilka loo dabiibo lahaa; dhakhtar maskaxeedna loo tusi lahaa ayay iskula baxay. Lagu soo urur oo dhamaan jaarkii afafka hore isasoo wada tun iyaga oo markaasi u malaynaaya in wiilkii go’ay oo ay tiisii noqotay. La is waraysay oo lababa afka gooni isu saartay iyaga oo iska warsanaya waxa ka soo kordhay xaaladii wiilka, xaqiiqada dhabta ahna la isu wada sheeg laakiin isagu ma uusan arag wax uga garaaba dareenkaasi luray naftiisa.

Isla maalintaasiba gelinkii danbe waxa loo qaaday dhakhtarka waalida iyada oo la aaminsan yahay in waxa hayaa tahay waali cadaan ah, maadaama oo uu leeyahay gabadh ayaan riyo ku jeclaaday, aadmigana wax riyo wax ku jeclaaday aan horeyso loo arag. Waxa la dhigay waadhka, habeenkaasina halkaasi ayaa lagu hayay. Aroornimadii hore ayaa la tusay dhakhtarka iyada oo looga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Waxa uu waraysi dheer la yeeshay wiilkii isaga oo hadba su’aal ku soo laba goor celinaaya kana fiirinaaya hadalo is-dhaaf ah in uu ku jawaabo laakiiinse waxa uu ka waayay wax dareen ah oo waali tilmaamaaya. Dhakhtarkii waxa uu tolkii u sheegay in hada wax dareen ah aanu ku haynin laakiiinse cusbitaalka loo daayo laba maalmood oo danbe si xanuunkiisa loogu hubiyo iyaguna hawraarsan dhehe.

Maalinkii saddexaad waxa uu dhakhtarkii sheegay in wiilku fayow yahay, maskaxdiisuna buuxdo oo aanay waxba qabin ee gurigiisii lagu celiyo, waxana loo soo qaaday dhankaas iyo gurigiisi. Qofkii hore u yiqiin hadda ma garanaayo, waxa isbedelay midabkiisi, waxa xumaaday jidhkiisi, waxa lumay dheeh iyo dhabankiisii, waxa hadhaysay diif iyo basaas, timaha iyo cidiyaha ayaa ku baxay sidii ruux maxbuusa, waxa uu laasimay furaashka, waxa uu ka dheeraaday oon iyo oomataba, waxa uu faraha ka qaaday hawlo aduunyo gabigeedba, waxana agtiisa ku soo hadhay hooyadii oo kaliya. Tolkii intii arinku qoyanaa waa u gurmadeen laakiiinse hada waa ka fogaadeen soomaaliduna hore waa tii u tidhi “baahi iyo bukaan badanba waa la isku nacaa”. Hadii hore loo jeclaa hada waxa la isku habaara “hebel lagaa dhig”, sheekadiisuna waa mid wada gaadhay dhamaan geyiga. Waxa uu agtiisa ka waayay asxaab iyo tolba dadkii jeclaa waxana isaga oo naftiisa la hadlaaya uu yidhi sidatan:-

©       miyaa ani lay  hantaaqay

©       horeyso miyaa la ii digay

©       wixii la hayaaba waa sad ee,

©       waxaan la helayn; ma ii baaqeen

©       markii hadal layga  raadshay

©       wixii aan hayeen dahsoona

©       afkuba saw ma haysan waayin

©       garawshiiyahaa ku deeqee

©       hacoo aan hadalba heensiyo

©       Hadaaq ma la iiga qaatay.

©       wixii i hayeen la jiifay

©       duroba saw umay higaadsan

©       quraan saw imay habsiinin

©       hadii awal lay maciinay

©       hadaba saw la’iima tuurin

©       riyaad igula hayaantoo

©       hankaygiyo miyirba qaade

©       Hadmaan ku heli bilcantiiyeey.

 Waxa ku batay fekerkii waxana maskaxdiisa naafeeyay warwar iyo walbahaar aan xaddi lahayn, waxa uu naftiisa tusay qanaacad dhanka dunida ah kolkii ehel iyo asxaaba laga dheeraaday. Maskaxdiisa waxa sudhnayd sawir aan weligii rumoobaynin, jacaylkiisuna ma ahayn mid jiha leh ee hilaac maray ayaa qalbigiisa boog ku reebay, dookhiisana ka dhigay mid aan dunidatan kor oolin. Waxa hadheeyay ma ahayn wax sanku-neefle uga miciini karaayo, aakhirkiina wax uu fikir wadaba xaga maskaxda ayuu noqday oo cusbitaalka waalida ayaa lagu xereeyay, halkaasi ayaana lagu hayay ilamaa iyo dhawr bilood kadib ay geeridu halkaasi ugu timid.

w/q: Abdikariim Kaabuli

ahmed_osman4@hotmail.com