Bidaari sibiq bay kugu gashaa (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

Ma dhabbaa Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo?  Oo haddii aad been-sheegga taqaan, maxaa diiday in aad ku maahmaahdo?

  • Hal booli ahi, nirig xalaal  ah way dhashaa

  • Hal xalaal ahi, nirig booli ah way dhashaa

Islaamoow run u dheh, islaamowna run uga qaado. Guddoomiye Cirro markii uu ka hadlay xafladdii Maalinta Dhallinyarada waakii yidhi hawsha saldhiggu waa “Bidaari sibiq ayay kugu gashaa”.  Aniguna qormadaydan qoraalkeeda oo aan bilaabay isla maalintii codaynta baarlaamku dhacday ayaan cinwaankan siiyey.  Waa isla-doonasho Ilaah in aniga iyo guddoomiye Cirro labadayaduba aanu maahmaadan ku cabbirnay arrinkan.

Inkasta oo maahmaahda  Somaalidu, sida xeerarka sayniska, aanay isbaddalin, haddana dhacdooyinka aynu u wada joogno ayaa mararka qaar keeni kara in indha-indhaynta iyo fiirsiga isbadalka bulsho ama dhaqan-dhaqaale uu keeni karo in wax la iska waydiiyo sida maahmaahaha qaar ula jaan qaadi karaan joogtada inkasta oo  ay yihiin hadhaadiga dhaxalkii awawyaasheen, oo dhab ahaan ku noolaa duruufo iyo deegaan ka duwan kan maanta. Tusaale waxa u ah “ Habar tukatay ayay ka tahay” iyo qaar kale oo la mid ah.

Tan maanta taagani waa maahmaahda ay dad badani ku cabbireen codayntii baarlamaanku ku oggolaaddeen saldhigga Imaaraadka ee Berbera taas oo ah “Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho.”  Adduunka oo dhan ayaa bogaadiyay doorashadii barlamaanka ee Somaliland ee u danbaysay ee 2005, sidaas daraadeed lama odhan karo “hal booli ah” ayay ahaayeen. Dhanka kale hannaankii loo doortay baarlamaanka Soomaaliya waxa loo jeediyey or, qaylo iyo dhalleecayn badan iyadoo lagu eedaynayey in ay ku yimaadeen musuq, laaluush, wax-is-dabamarin iyo wegero la mid ah. Waxa la odhan karaa baarlamaankaasi wuxu ahaa “hal booli ah”. Iyadoo sidaas ah, wax qorsoon Allaa oge, ayay doorteen madaxwayne ilaa maanta dadku aad u soo dhaweeyeen. Markaan u fiirsaday waxay iila muuqatay in “Hashii booliga ahayd ay nirig xalaal ah dhashay.”

Doorashadii Soomaaliya maalmo ka dib, waxa aynu ku war hellay xildhibaanno, siyaasiyiiin iyo madax Somaliland ah oo ina leh “ka kacaay dalkii waa la xaraashaye” iyagoo ka hadlaya saldhig ciidan oo dawladda Imaaraadka laga siinayo Berbera. Run ahaantii dad faro badan ayaa dareen diidmo oo xoog leh ka qabay in  heshiis muddo dheer ah la galo iyadoo la eegayo duruufaha siyaasadeed ee gayigan aan ku noolahay, dagaallada Yemen iyo aqoonsi la’aanta Soomaaliland. Waxa la filayey in baarlamaanku hor joogsan doono. Waxase la yaab noqotay in lagu war hellay aqlabiyadda labada gole oo ansixiyey codsi uu madaxwaynuhu u soo gudbiyay oo ahaa in la meel mariyo kiraynta “Saldhigga Ciidan”.

“Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro” iyo “Hunguri, wadkii ma arko”

Yaab! Oo sawtii ay nalahaayeen “halla diido”. Siday wax u dhaceen? Haddana  maahmaaho dhawr ah  ayaa soo baraarugay oo ah:  “Farahii dufanle, ayaa wax duuga”, “farahii dufanle ayay faataxo ka kacdaa”. “Af wax cunay xishoo”. “Nin wayn iyo umuliso midna sida ay wax u ogyihiin wax uma sheegaan”. Nin waalan, tolkii ayaa u fayow.” “Qawda maqashii, waxna ha u qaban.” “Codkuna waa meel (calooshuna) ama calaacalkuna waa meel”. Intii aan ka arkay telefishanka, dhawr xildhibaan iyo guddoomiyahii golaha wakiilada ayaa, wax ka run ahba, hawl-wadareedkii golaha baarlamaanku habeen ka hor loo soo jilciyay doonayay in ay  is-hortaagaan . Tii ku dhacday waatii la arkayay, inkasta oo gacan-ka-hadalka ka dhaca barlamaanka Koonfur Afrika am kan ka  dhaca Jaban aanu waxba meella kaga  dhacayn, hadana odayaal lasii tukhaantukhinayo waa loo jeeday.  Waxa aan is idhi waar malaha tiradan yar ee diidmada idin tustay, markii  dheemaalka la ruxayay ayay wali xeradoodii ku jireen. Mise si ciyaarta loo macaaneeyo oo aan “ intaba iyo eber” loogu kala badin, ayaa dhawr xubnood lagu yidhi “ muujiya diimuqraadiyad oo u dhaqma sidii wax diiddan”.  Mise ninyahaw heestii Cabdi Tahliil ee waddanigii hore ahayd ayaa loo qaaday oo way ka dhago adkaadeen :

Dawlad iyo shicib, dumar iyo rag

Somaali way iskuduubantoo, dan loo dedalaayaa

Diidayoow, shaqada loo dareeray daawanayoow

Waa dalkaagee doqonyahaw, waa dadkagee dabbaalyahaw

Waa digniinee, waa digniine, waa digniine

is daryeelooo dadka soo raac

 

“Hadal waa margi”

Intaasi markay dhacday waatii loo wada joogay waxa hadal iyo hugun baxayay. Ma Faysalbaa, ma Cirraa, ma Cali Guraybaa,ma dooddii lagu hoobtay ee  Jimcahaa, ma xildhibaan Saciidbaa. Baroortu orgiga ka wayne, balaayada yaa aloosay!. Waatii aayadaha Qur’aanka la isku daliishaday, ee “ka dar oo dibi dhal” ee qaar ku caga jugleeyeen in ay Ya’juuj u yeedhanayaan si ay tirada yar e is-xanbaarka lagu keenay cagta u mariyaan. Ee  Midna yidhi anigu “ Codaynbaad sheegaysaane, ciddii ka hadasha jeelkaan u taxaabi lahaa”. Maxaa is-daad raacin ah.  Nin saddexaad oo inuu “Canbe” yahay lagu sheegaynaa aan ilaa hadda garan la’ahay “maxaa kaa lilaahiyaa, caashaqa ha lalinee”.  Tan u daran  een la yaabay qofkalana ku ye “ guddi ayaan u saaraynaa arrintaasi siday u dhacday baadha”. Waa afkii UN-ta. Hadday run tahay waxa uu odhan lahaa “ xubanah xisbiga ee u codeeyay kiraynta saldhigga tallaabo anshaxmarin ah ayaa laga qaadayaa”….Dabbaaldaggii aasaaska ciiddanka jaarkana  qolaa waxa dhacaya kaga soo yara nasatay oo gaardiska iyo dhoollatuska 100ka milyan ee biyaha dhanaan u harraadan soo barakaysay….Malaha gidaarkii Shiinaha

“China wall” ama “Trump Wall” ayaabay noqon in laga fikiro mar haddaa “dhagtii dameerka,waraabe la dhadhansiiyay”.

Ilaa maantadanna ninba sida ay la tahay ayuu u hadlayaa… “shinbiriba codkeed ciday”… “Ninba ceesaantii ceel gaysay”

“Diir naxaa ma kugu yaal, oo marna ma ii damqanaysaa”

“Qayrkii loo xiiryoow,adna soo qoyso”

Horta reeraha aan ahayn beesha “ badhtanka” iyaga guux sidaasa kamaan maqal e, malaha waxay ay la tahay in la xaraashay “jago saaxil ku taal”. Col iyo war moog. Maanay ku riyoon iyada oo ciidanka laga kireeyay jagadaasi ay gantaallo ku tureen “shiicada” lagu marmarsiyoonayo, oo inta ay soo jawaabeen, sibidhkan yar ee maraakiibta quudkeenna soo waaridda ku xidhato badhtanka kaga dhacay, oo marka uu u yaryahay kala dillaacshay?…..

“Ninka waxa soo socda aan garan waxa jooga ma garto”….Haddiiba wax isku qobtola  la helo, halkee quud laga helayaa intay qalalayso?…malaha galbeedka garaw ayaa uudka ugu jira, barigana caanahii geela oo la qallajay ayaa liid-madoobayaal ugu cabbaysan oo u tiirsan oo hadhaw biyo laqu qasanayaa?”…. “Kan cadduur dhawdhawduba uma dhacsana”

“Fiqi, tolkii kama janno tago”

Oo waxan ku waydiiyay iyaguna qoladii la odhan jirtay “aqoon yahan ayaan nahay” tolow iyaguna ma iyagoo wali google-ka waydiinaya “UAE”, “Saldhig Milatari”, “Dheefta laga helo kirada saldhigyada milatariga”, “saamaynta saldhigyada milatariga ee la kirooyo”, “ midawga soofiyeet”, Gaashaan buurta Nato”, Olloga Warso, “ Morgan”, “Cali Mareexan”, “ Donald Trump” “Cali Xaamud”,”Qiimaha codaynt ee saldhigga Imaaraadka”, “Tolow ma loo codan doonaa” ayay ku dul gam’een markaasay tooseen markii codayntu dhammaatay. Mise wali “Desk review” ama “Fadhi ku diri”  ayay wali ku maqanyihiin.

War malaha buug aynaan gaadhin ayaa lagu qaataa casharradan socda. Mise “idinkala garaynmaynee  guulaysta” ayay qaadeen. Markay halkaa marayso sheekadii waxa ka soo baxay laba maahmaahood oo ka soo farcamay dhacdooyinka:

  1. Hal booli ahi nirig xalaal ah way dhashaa

  2. Hal xalaal ahi nirig booli way dhashaa

“Xaajo nimaan ogayn ayaa isha ka rida”

Darsi ku saabsan dagaalada Yemen-tana waatii la inoo dhigay oo gabagabadiisu ahayd: “

Waxii dhacayaba dhankaaga qabsoo, afkaaga ka dhawr waxbaa dhacay”. Kuye annagu “ Waxa dhacaya dhexdhexaad kama nihin. Sunni ayaan nahay”. Taa culamada kaliya ayaa ku dhaaran kartee, horta yaa inna kala guray?.

Isha sacabka marsha…malaha marka sawaxanka,orta  iyo hugunku go’o, ee uurada, qiiqa iyo bulladka kacay kala dego, karka iyo kaarku baaba’o , ee heshiiska si dhab ah qalinka loogu duugo ee  Berbera iyo Wajaale loo kala socdo 3 saacadood, ee xarumaha caafimaadka guri kasta sii jeedkiisa laga dhiso, ee 70% sagaarooyinka la dubto,80% maso-cagalayda la moofaysto, ee shinbiruhu u guuraan xeebaha galbeedka, ee guuxa iyo gariirka diyaaraduhu dadka reer Barbara cayn dhagala ka dhigaan, ee Khaakhaayiraadda Iiran iyo xulafadooda shiicadu dawladdeena dhiig-kar iyo Sonkorow Nooc 2(Type 2) ku wada  riddo, ee kalluunku in-dheer inoo maro, ee lacagta imaga lagu kireeyay 10 sano kadib kuwa hadda ku faraxsan dawooyinkooda goyn waydo, ee “bidaari sibiq bay kugu gashaa, iyo “farbaa, tog kula xusha” arrini ku danbayso, malaha markaas ayaan odhan doonaa yaa “ mar noo cesha” sidii jaad-qamax qawaday mijintii loo soo baxshay oo ahaydba tii ugu danbaysay oo leh  “ mar gacanta ii celi”. Siddi siddidaada mooyee, dhul-u-dhacaaga hubso.

“Miskiin ayaa sino la fuulo leh”

Marka calaacalku batana, waa dawlad awood leh oo maxkammaddii ay sheegayeen ee Ingriiska ku taallay intay inala tagaan ayay  “baryo libaax”  arrinkoodu noqon: “ Iigu rid, amma waan kaaga ridan”. Cid innoo qareenta iyo cid kiiskaba inoo fahamta la waayi. Alla maxaa oohin danbaysa haddaan la miyirsan. “Ruuxii soo joogso laga waayana, soo jiifso aya laga helaa”

Maalgashiga Caalamiga ah malaha sidaan u fahannayba maaha…Mooyi! Yaa is waydiinayaba. Qolyahii ilama “Google” ha inoo soo waydiiyaan walalkood. Aniga waxay ila tahay baryihii hore ee qadhaabka iyo ugaadhsiga lagu noolaa ayay hooyaday igu tidhi waxa la odhan jiray “ Kala baahbaaha, bakayle hurdana beerkaa lagaga dhacaaye”…waa farsamo afka qalaadna  lagu yidhaa “ economic diversification”

Maxay kula tahay?

“War la qabaa, xiiso ma laha”, “ Habar iyo habeenkeed”, “ Dhagax taabasho iyo tuujini waa isku mid”, “Dhago laab u daloola iyo dhago laydh u daloola”. “ Hunguri wadkii ma arko” ,      “ Cashar iyo Cadba waa la yaraystaa”, “ Laba qaydhiin ku soorantaa, bisayl iskuma cawrido” iyo ‘Hunguri wax ka wayn la marshaa wuu dillaacaa”.

“Dhuuso laga ballamay ma urto”

“Nin gu’ kaa wayni, gu’ baas kaa wayn” aya la odhan jiraye, armaa dawaladda Imaaraadka oo xornimada qaadatay 1971 ay jab inala maagantahay. Mise intaynu shakiga iyo waswaaska is illawsiinno ayaan  sida ay  sheegtay hooyo Radio Hargaysa  laga waraystay  “ saldhigga laga kireeyay dawaldda Sacuudiga” iska iimansannaa.  Malaga yaabaa in ay saldhigyo hor leh oo ku teedsan xeebaha galbeedka farrinayso?…Dadka qaarbaa hilmaankoodu, garab-daar salka ku hayaaye. Ilaahayoow riyo ka dhig. Mise Djibouti oo sida loo maalo taqaana kiraynta saldhigyada ciidanka ayaa inoo loox jiidday?.. oo sidii “Xuunkii shinnida ku yidhi sida malabka loo sameeyo i bar ee intaan casharka loo dhammayn laba sadar la haaday ee aqoontiisii dhoobo yar oo gidaar lagu dhajjo oo dhawr laxaad ku jiraan u goysay” ayaan noqonnay.

“Hadal badani haan ma Buuxsho”

“Flash- se wuu buuxshaa”

Odayaashii reerku way safreen. Qaybi  odaygii reerkan guyaal hore dala’saday  ee “Oday Biiqay” ayay malaha soo warsanayaan. Qolana reerka jagada laka kiraynayo ayay leeyihiin buuqa aad maqlaysaan waa damaashaad  iyo dabbaal deg lagu soo dhawaynayo soo deggiinna.

Idaacaddii ugu guunsanayd gayiga Soomalida, oo aan dhexdhexaad ka ahayn waxa dhacayana,  oo Hargaysa ahna waxay kaga baxday “halkani waa Hargaysoo hirarka gaaban idinkala hadlaysee habeen wanaagsan”…horta FM-tuna ma “hirarka gaabbanbaa?”.

Xantuna waa labada xukuumadood ee xilkoodu sida gabbalka sii dhacayo ayaa bootada Saaxil isku sagootinaya. Mooyi!

“Laba dar Alla u collowdaa dadka way u heshiisaa”

“ Uuraysataye, maxay dhali”

——–Nabad Galyo—–

Qore: Cumar Cali Cabdilaahi ( Cumar dheere)                                Email: oalibare@gmail.com

Email: oalibare@gmail.com