Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.

Mar kale aniga oo u mahad-naqaya Maxamed Maxamuud Cige oo Busi loo yaqaan ayaa Feysal Cumar Mushteeg midhahan qoray, waxaanu fannaankeennii hal-abuurka ahaa ee Feysal yidhi:

Feysal Cumar Mushteeg

(1940kii-2012ka)

“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,

 Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,

 Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,

 Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,

 Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,

 Wixii na dhibaaya naga dhowr.”

 faysal2

Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com

11/10/2014ka,

Qormada 7aad

Siciid Cali Muuse ayaa ii mariyay sheeko yar oo ku saabsan beryo uu Feysal Cumar Mushteeg Dugsiga Dayaxa macallin ugu ahaa. Waa xilli ku sinnaa 1965kii oo ay qiyaastii sannadkii 4aad ee Dugsiga dhexe ku jireen. Xisaabta oo af Ingiriisi lagu baranayo ayuu Feysal u bilaabay. Sabuuradda ayuu ugu qori jiray tirooyin ay ka shaqeeyaan, isaguna inta uu dibadda u baxo ayuu daaqadda furan.

jiray si uu u weydiiyo hadba in ay dhammeeyeen. Feysal daaqadda agteeda ayuu is-taagi jiray isaga oo daawan jiray doog ka horreeyay. Wuu foodhyi jiray isaga oo hadba hees ku foodhyaya. Carruurtu show xisaabba kuma maqna ee foodhida Feysal ayay  dhegta u raaricinayaan. Hadba wuxu weydiiyaa in ay dhammeeyeen. Iyaguna si uu dibadda u sii taagnaado oo fodhida ugu wado, waxay ku odhan jireen: “Weli ma aanu dhammayn.” Arday ayaa maalin is-olloobay oo yidhi: “Waanu dhammaynnay.” Intii kale ayaa ku dgetay oo tidhi: “Maxaad u odhanaysaa waanu dhammaynnay, foodhida ha noo sii wade.” Waa mid ka mid ah sheekooyinkiisii gaaggaabnaa.

Bal hadda aan idiin dareeriyo midhihii uu Feysal Cumar Mushteeg ku lahaa ‘Qaraamiga’ si aad u garataan kaalintii uu ka galay ama kaga jiray guud ahaan fanka Soomaaliyeed. Bal hadda waxaad fiiro gaar ah u yeelataan saamaynta dhabta ah ee uu Feysal Cumar Mushteeg ku lahaa ‘Qaraamiga.’

Mar kale aniga oo u mahad-naqaya Maxamed Maxamuud Cige oo Busi loo yaqaan ayaa Feysal Cumar Mushteeg midhahan qoray, waxaanu fannaankeennii hal-abuurka ahaa ee Feysal yidhi:

“Ishaydaa jeclaatay araggaagoo,

 Naftaydaa oggolaatay la jooggaagoo,

 Garanba waayay goor aan kuu imid,

 Ileys baad ii ahayd wax aan ku arkoo,

 Aqooshayoo ooli kari meyside,

 Ammaano alliyo is-araggeen,

 Illowsho-dhawaan iska ogow,

 Inaabtidu ways ilaashan jirtee,

 Ax maad odhan oohintaydii,

 Allaygu og uurkanaad ka baxdoo,

 Alleylkii xalay waaban eleleday,

 Allaygu og adiga mooyaane,

 Ishaydu ma eegto inan kale,

 Alleygu og waad I moogtahayoo,

 Ayaankaygu way ambinayaa,

 Allaygu og oomatadii ka go’oo,

 Afkayga maba galo anfaacigu,

 Agtaada insaanba kuma ihiyoo,

 Alleylehe I maad abaal-marin,

 Ibtilo raagtay lama illoobi karee,

 Ogsoonow ayaamaheennii,

 Haddaad ubax tahay mid aad u uroo,

 Udgoon badan baad ahaan layd,

 Muddaan ubaxyow ku eeganayee,

 Hadmaad I anfaci adduunyada,

 Udgoon iyo aragba igu deeqdee,

 Ayaa ubaxyahow ku iibsada,

Nolosha dadka Soomaaliyeed ubaxu in kasta oo uu jiray oo dhulka ka bixi jiray, haddana sidan loogu heesayaa waa mid ku taxan nolosha magaalada iyo ilbaxnimadii danbe. Macallinnimadiina wax kaga dara.

Suugaanteenni hore ee la xidhiidhay qaab-nololeedkeennii miyiga, ubaxu dhex-roor iyo dhex-taal midnaba uma ahayn. Ubaxu in kasta uu dalka ka bixi jiray haddana qiime la isku ammaano kuma lahayn nolosheennii hore. Ubaxu wuxu suugaanteenna, gaar ahaan heesaheenna soo galay intii ay nolosha magaaladu samaysantay. Waa xilliyadii uu gumeysigu yimid ama aynu xidhiidhka la yeelannay dhaqammadii carbeed ee inagu xeersanaa. Shaki kuma jiro in ubaxaa la isku ammaanayaa u badnaa dadkii ama dhallinyaradii wax baratay oo uu Feysal Cumar Mushteegna ka mid ahaa.

Qurba-jooggii iyo dal-tabyadii kalgacalku ku ladhnaa ayaa Feysal Cumar Mushteeg ka keentay beydkan soo socda oo aanu shaki ku jirin in uu tiriyay intii uu qurbaha ku noolaa, waxaanu yidhi:

“Nafyahay orodoo arligii qaba oo,

 Halkii aad ku ogeyd ka soo eeg,”

Waxaan xusuustay maalmihii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran, maalin ka mid ahayd oo aanu la fadhinay fannaankii la quudhi waayay ee Maxamed Mooge Liibaan. Doobtiisii xariirta ahayd iyo danankii kamankiisa ayaanu ku baananaynay nabarradii dal-tabyadu nagu dhigtay. Waa 18/8/1983kii, haddii aanay xusuustaydu I dagayn. Waa hudheelkii ‘Tasfay’ ee dhinaca woqooyi ka xigay faras-magaalada Diri-dhabe iyo Maxamed Mooge Liibaan oo xadantaynaya xadhkihii Kamankiisii “Deddo=gooye” ee uu la dal-maray.

Wuxu ku leexaysanayaa mid ka mid ah codadkii Qaraamiga ugu macaanaa. Waa codkii heesaaga cusub lagu imtixaani jiray ee “Beer-dillaacshe,” oo uu curintiisa lahaa macallinkii weynaa ee miyuusigga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe.

Maxamed Mooge Liibaan oo luuqdii la fogaatay oo cir iyo dhul dhexdood maraya, ayaa Korneyl Siciid Cali Giir oo goobta fadhiyay beydkaa xagga sare ku yaal warqad ku qoray oo Maxamed Mooge Liibaan ku hor tuuray. Markiiba mid ag fadhiyay oo fahmo badnaa ayaa la booday oo Maxamed Mooge Liibaan hor qabtay, markaasuu noo raaciyay beydadkii xaradhaamada lahaa ee uu noo marinayay. Innaa lillaah! Alla maalintaas beydadkaasi maxay dhul fog damqeen. Qof joogay ayuun baa garan karayay.

Iyo sidii uu Feysal Cumar Mushteeg ereyada u falkin jiray ugana sameyn jiray maanso dareenkaaga taabanaysa oo deddo-ruxaysa maankaaga iyo ibaha kalgacaylku ka godladoba. Bal hadda beydkan la yaabka leh nala eega:

“I deeqdoo aniga ii noqotee,

 Anigu adigana ma kuu ahay,”

Waa kan mar kale isaga oo haddana ka hadlaya iyo sida uu beni-aadamku u jilicsan yahay ee ay naftu u hoggaamiso, waxaanu yidhi:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)