“Berbera Somaliland Iyo Dadkeeda Ayaa ISka Leh Wixii Looga Baahdana Annaga Ayaa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha.

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inaanay Somalia ka arrimin karin Madaarada iyo Dekeddaha Somaliland kadib markii Somalia sheegtay inay Dhinacyada Hawada iyo Badda ku taageerayso Isbahaysga Carabta ee Yemen Duqaynta ka wada.

Wasiir Warancadde oo BBC-da u waramay waxa uu sheegay in sidii Madaxweyne Siilaanyo sheegay Somaliland taabacsan tahay dawladda sharciga ah ee Yemen kana soo horjeedo Kooxaha qalalaasaha wada.

e2fc7b1db2d1c4582d6d06dab41fabea_L

Wasiirka oo la waydiiyay in Wadamada Carbeed kala xidhiidheen isticmaalka Dekedaha iyo Madaarada Somaliland waxa uu yidhi “Illaa hadda cid nala soo xidhiidhay oo na waydiisatay haba yaraatee ma jirto, haseyeeshee anaga iyo Yemen waxa noo dhexeeyaa way yar tahay, meel istiraatiji ah baanay Somaliland ku taalaa, markaa haddii dhibaatadu sii adkaato in arrintaasi nagu lug yeelato waa suuro gal” ayuu yidhi Wasiirku isagoo la waydiiyay waxa uga meel yaal haddii la waydiistana waxa uu sheegay in Dawladda Somaliland markaasi ka tashanayso.

Wasiirku waxa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada Somalia ee Dekedda Berbera oo ay sheegtay inay Isbahaysiga u ogolaanayaan haddii looga baahdo “Berbera Umadda Somaliland iyo dawladdeeda ayaa leh, wixii looga baahdana annagaa nalagala xidhiidhayaa, wax Somalia lagala xidhiidhayo iyo waxay bixin karaan midna ma jirto”, ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland laga dareemay saamaynta dagaalka Yemen oo Miciishada iyo ganacsiga Xoolahaba muhiim u ahaa, balse haatan kala go laga dareemayo. Waxa uu sheegay in arrintaasi dhibaatadeeda leedahay haddii ay sii socotana ay sababayso in Maraakiibtu ka baydho dariiqoodii hore ee Yemen sida diyaaradduhuba uga baydheen.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office