Beesha Solamadow 2 Xubnood oo Xilal loo magcaabay ayaa Muuse Biixi Doortay oo Shirka Golaha dhexe Tegey: Jamac Gagagale

Waxaan halkan Salaan qadarin wadata uga dirayaa Bahda Saxaafada Xorta ah ee noo suura gelisay inaanu rabitaankayaga iyo go,aankayaga ku soo bandhigno, sidoo kale waxaan shacbiga reer Somaliland iyo Madaxdoodaba u soo gudbinaya salaanta islaamka ASC.

940f94e2-504f-47c7-9a53-cabec8f90af8

Intasi ka dib waxaan qalinka u qaatay oo qoraalkan igu kelifay inaan cadeeyo anigoo kaga masuula qoraalkaygan beesha balaadhan ee (Solamadow ) inta aanu isku aragtida nahay ee arimaha siyaasada u dhuun daloola in aanay jirin meel Beesha Solamadow Habarjeclo kaga tashatay in Muuse Biixi musharaxnimadiisa la taageero iyo cid ula timi oo Haldorkoda ku ixtiraamtay kana codsatay toona.

Beeshu odayaal bay leedahay Xubno golaha dhexe ee Kulmiye beesha ugu jiray oo 4 ah ayay leedahay xildhibaan bay leedahay Siyaasiyiin ay taladooda raacaan bay leedahay intaas oo dhami kamay xaadirin goobtii Muuse Biixi lagu dhisay ama ma jirin cid talo iyo arin ula timi.

Goobtii muuse lagu dhisay waxaa beesha ka joogay 2 xubnood oo xilal ku magcaaban waana waajib xilalkooda ka saarnaa inay tagaan meesha ee may ahayn kuwo ku metalayey beesha waa Gudomiyaha Kulmiye ee Burco MD. Xasan Mataan & Abdirashid riyo raac oo la iska aamusiiyey waa laba nin oo Beesha ah laakiin maaha niman nagu metela Siyaasad iyo hogaan toona.

Waxaanu leenahay Xisbiga Kulmiye Beeshu 100%100 ayay uga codaysay deegaamada ay degto markuu talada dalka la wareegayey waxayna taasi ku timi talo ay ka tashadeen ruug cadaagii beesha iyo majooratigii beesha, waxaan halkan ka xusayaa in xataa xiligaa beeshu ay isu qabtay dhaqaale kasta oo Kulmiye loogu codaynayey iyadoo dhaqaalahaas inta ugu badan ay bixiyeen sadex nin oo karaamo naga mudan.

Abdalle Lule

Isaaciil foolow

Nuur Diiriye ( ilays)

Weliba Abdalle & Ismail Saudi Arebiya ayay uga soo dhoofeen inay dhaqalohooda ku bixiyaan Kulmiye oo ku soo saaran halka Nuur oo Ah Mulkiilaha wersheda Sabunta Burco oo Dalka joogay dhaqalihiisina uu u huray Kulmiye, beeshu wax tixgelin ah hore ugamay helin Xukuumada kulmiye iminkana kumay ixtiraamin hal doorkii Beesha inay talada wax ka siiso waana arin deegaanka aad looga dareemayo ixtiraam la,aanta Xukuumadu kula dhaqantay Beesha Solamdow iyo degaankeeda.

Waxaa iyana jiray rag dhalinyaro ah oo qurbaha joogay oo hantidoodii ku dhamaatay Kulmiye oo aan ka xusi karo,, Abdiraxman A Ubaxle, Cismaan Siciid & Siciid Saleebaan iyo qaar kaloo badanba sidaa darteed Degaanka Solamdow waa Kulmiye laakiin wuxuu leeyahay ruug cadaa talada loo daba fadhiisto oo Kulmiye ah in lagu ixtiraamo ayaa mudan maaha in maalinba nin meel laga soo xambaarto oo Solamadow lagu qiimeeyo.

Beesha iyo degaanku cod dheer oo aan qarsoonayn ayay ku leedahay Ma Nebcin Mujahid Muuse Biixi Cabdi laakiin maanu dooran oo umaanu dooran Musharax Madaxweyne isaga & ku xigeenkisa toona, labada xubnood ee Beesha goobta ka joogayna may ahayn kuwo ka turjumayey Rabitaanka reerka ee Xilalka ay ku magcaabanyihiin ayaa ku khasbay inay goobta tagaan, waxanu mar sadexaad ku celinaynaa taladii reerku way danbaysaa cida ay khusayso ee ay ka godo ayaana loo daba fadhiisanayaa hadii taas la yeeli waayo Kulmiye yuu Nagu xisaabtamin.

Somaliland Guul

Email: <jamgaagaale@gmail.com>

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..